Nolol aan Dhamaystirnayn ( Unfinished life ) By Abadirahman Ali

ASalaamu calaykum dhamaan umada somaliyeed meel kasta ay joogto, waxa aan jecelahay Maanta in aan la wadaago dadka somaliyeed sheeko aniga igu dhacday oo aan ku suganahay ila waqtigan la joogo , sheekadana maahin mid aniga kaligay igu sahabsan waa mid qof walba oo somali ah qabsan karta ama haysata . sida daradeed waxa aan jeclaystay In aan soo bandhigo waayo waqtigan xaadirka ah ee aan joogno waxa aad arkaysaa umadii somaliyeed oo ku soo qaxaysa yurub iyagoo mustaqbal raadinaya iyo nolol ka wacan tii ay somaliya ku haysteen, Hadaba waxa aad mooda mudooyinkan ugu dabeyey gaar ahaan 3 dii sano ee ugu dabaysay tahriibta dhalinyarta u dhashay gobalka awdal in ay kor uu sii kacayso  marba marka ka dabaysa , taasina waxa keenay sababo badan awgeed , waxa ka mid ah dadkii oo anan hayn dhaqaale buuran oo ay kula tacalaan danaha reerkiisa , dhalinyarta wax barata oo ay ku baxdo lacag aad u badan mudada ay wax baranayaan siiba marka ay jamacada dhigtaan waxa ku baxda lacag aad u badan taasi oo ay rajo  weyn ay ka qabaan mar hadii ay ka qalin jabiyaan jamacada weyn ee sharafta leh ee AMOUD UNIVERSITY , In cilmigooda ku shaqa raadsanayaan taasina waxa ay noqotay in mid ku eeg riyo oo kaliya waayo wadanka dhan ma haysto dhaqaale uu ku abuuro shaqo si ay u helaan fursad ardayda wadanka wax u baratay iyo sababa kale oo badan oo aan halkan ku soo koobi karin lakiin qof walba uu garan karo.
Waxa ay ahayd 2003 dii bishii lixaad waqtigii aan ka qalin jabiyey dugsigii sare ee sheekh cali jawhar aniga iyo arday kale oo badan , waxa aan markii aan qalin jabinay isku diyaarinay sidii aan sanadka dabe u gali lahayn jaamacada AMOUD UNIVERSITY  oo arday waliba aad ugu xiiso qabay , balse nasiib xumo waxa jirta in jaamacada lacag badan lagu dhigto ardayda qaarna ay awood u lahayn lacagta intaasi leeg in ay bixin karaan ,ardaydaasi aan awooda u lahayn mid walba wuxuu jecelyahay in uu waxbarashadiisa sii wato Balse uma hayaan dhaqaale  sababtoo ah lacag aad u  qaali ah ayaa lagu dhigtaa jamacada camuud, anigu waxa aan ka mid ahaa ardaydii waqtigaasi nasiibka u yeelatay jamacada camuud balse intii anan galin ayaa waxa aan arkay ardaydii iga horaysay ee ka qalin jabisay jaamacada oo gidaarada Borama camal la’aan  fadhiya , isla waqtigaasi aan ka qalin jabiyey skuulka sare ee sheekh cali jawhar waxa aan is jeclayn gabadh ku nool magalada Borama , gabadhaasina runtii aad iyo aad baan u jeclaa sidoo kale gabadhuna way i jeclayd lakiin hadii aad rabto Borama in aad guursato ogow ma ha wax easy ah guurku waa in aad kharash aad haysaa aad ku guursan karto kuna qaadi karto masuuliyada gabadha aan jecelahay ,sida daradeed  waxa  aan damcay in aan isku diyaariyo jaamacada Balse markii aan arkay ardaydii iga horaysay oo iyaguba waxba anan hayn oo gidaarada iska fadhiya oo ka shaxadaya koobka shaaha kuwa aan aqoon lahayn ayaa waxa aan go’aansaday intii aan sidaasi oo kale noqon lahaa in aan ka dhoofo wadanka sidii aan uga bixi karo aan uga baxo , 

GO’AANKII TAHRIIBTA IYO AXDIGII GABADHII AAN JECLAA
 
sanadkii 2004 waxa aan gaadhay go’aan in aan wadanka ka tahriibo balse reerkaygii igama ogalaan lakiin go’aankaasi waa la iga wada diiday qof kaliya ayaa ogalaaday in aan tahriibo , qofkaasina wuxuu ahaa gabadhii aan is jeclayn oo markaasi iyadu igula talisay in aan is badalo oo aan hore u socod noqdo dibna anan soo fiirin waxayna igula talisay ” walaal abdirahman Borama mustaqbal ma leh ,hadii aad jamacada gasho meel aad shaqo kaga heli aqoontada ma leh oo waayo waad arkaysaa kuwii hore ka baxayba markaa waxa aan ku odhan lahaa iska tahriib oo mustaqbal wacan inoo yeel” . sidaasi ayey igu tidhi runtii aniguna gabadha aad ayaa u jeclaa kamana maarmayn waxa aan go’aan saday in aan reerkayga u sheego in aan rabo in aan tahriibo balse way iga diideen arinkaasi ,
mudo hal sano ka bacdi ayaa go’aankii tahriibta ku soo celiyey reerkayga in ay i siyaan kharash aan ku dhoofo balse markan way iga ogoladeen in aan tahriibo ,
2005 tii bishii 12 aad ayaa helay fiisihii suuriya malintii aan helay fiisaha suuriya waxa ay ahayd malintii igu naxdinta badnayd ee ii soo marta nolashayda sababtoo ah waa markii igu horaysay een ka Baxayo Borama waliba aan uga baxayo tahriib anan ogayn wax iga qaban doona , mudo yar ka bacdi Borama waan ka soo baxay gabadhii aan is jeclayna Balan iyo axdi ayaa soo wada galnay in ay i sugto mudo yar aniga oo waliba balantaasi ka qaaday gabadha reerkooga in ay samir i yeeshan mudo yar inta aan tahriibka ku jiro , markii aan yurub galana in aan soo guursan doono Balse waxa la yidhi “Hadiiba hadii la ogyahay khalad Muu dhaceen” ,  waxa aan ka wada wax walba si fudud ayaa ugu dhigay gabadha anigoo u sheegaya marka aan yurub galo isla mudo yar ka bacdi in aan soo guursan doono , aniga  naf ahaantayda waxa aan u haystay yurub lacagtu in ay dhulka taal

taalo, waayo waxa aan arki jirey hebel ayaa yurub ka yimid oo gabadh soo doontay , markaasi ayaa waxa aan is idhi walee yurub waa lagu kala macaashay , waxba yana hadal kugu daaline  waxa aan soo maray suuriya-turkiga-greece-italy-france-belgium-ugu dabayntii waxa aan cagta soo saaray holland. intaasi oo dhan markii aan soo mareyey meel walba oo aan joogo ehelkayga ayaa lacag igu soo dirayey lacagta igu baxdayna waxa ay noqotay markii aan xisaabiyey 9.800 (sagaal kun iyo sideed boqol oo dollar ),  almost ten thousand dolar ayaa igu soo baxda

Lacagta intaasi leeg aaan ku soo dhoofay hadii wadanka aan  shaqo ku qabsan lahaa Maanta wax ayey ii ahaan lahayd lakiin malintaasi maan aqoon maskaxda maanta aan leeyahay , runtii waxa igu baxday lacag aad u badan  , balse yurub oo aan soo cago dhigo ayaa wax walba iga muhiimsanayd.
 
                 HOLLAND IYO WAYIHII AAN KALA KULMAY

Holand waqtigii aan soo galay runtii waxa aan is lahaa maanta ayey nolal soo gashay oo aad mustaqbal wacan aad heshay balse kamaan fikirin sid arxan darada  leh ee lagu waraysanayo iyo kaamka dhibka taala, markii aan soo galay holland waxa aan tagay xeryaha la iska dhiibo halkaasi oo ay ku jireen ilaa boqolaal somaali ah oo ku sugayey intii laga qadayo  interview ga , mudo bil ka bacdi ah ayaa waxa la iga qaaday interviewgii oo su’aalo la igu waalay ay ka mid ahayeen sideed u timid holland ? maxaad ku doortay in aad timaado holland ? sideed u soo gashay holland ? qolama ayaa tahay? waligaa wax ma dishay? wadanka kale oo yurub ah ma soo martay ? iyo su’aale kale oo badan oo aan halkan ku soo koobi karin. markii interviewga la iga qaaday waxa la isoo badalay kaamka lagu sugo sharciga oo aan ku jiro ila waqtigan xaadirka ah ee ku jirno.
Hadaba markii aan kaamka yimid ayaa waxa aan ugu yimid hadalo aan waligay hore u maqal ama afsomali cusub oo aan waligay maqal oo ay ka mid tahay : Hebel beerta ayuu ku jiraa (macnaha Hebal fa’ido ma leh) ,Buufis ( macnaha wareersasn) calaacal ( waxa la yidhaah calaa cal waraysiga dabe ee ay kula leeyihiin qolada qabilsan qaxootiga oo loo cala -calo  ) 
Hadaba mudo imika laga joogo 3 sanno ayaa ka soo maqanahay Magaladaydii qiimaha iyo qaayaha badnayd ee Borama , runtii markii aan soo tahriibayey wax walba waxa aan u haystay in ay is badalayaan , lakiin waxa aan soo galay dhib iyo mashaqo iyo fikir ,
waxa aan mar walba ka fikiraa reerkayga iyo asxabtaydii , waxa aan is bar bar dhigaa nolasha aan ku noolahay hada holland iyo midii aan ku noola Borama , waxana hubaal ah nolashii aan ku noola Borama in ay ka wacantahay tan aan maanta ku jiro , farxad kuma haysto holland , Nolalna kuma haysto, sharcina kuma haysto
 
        3 sano ka dib iyo gabadhii aan jeclaa oo samirkii ka dhamaaday
       
wax aan la soo hadlaba gabadhii aan jeclaa oo aan mar walba aan u sheego in ay khayrayso  oo ay hagaagayso sidii aan maalinba maalinta ka dabaysa lahaa hada la hagaagayaa samirkii ayaa ka dhamaaday iyadoo mar walba igu tidhaah ” abdirahman 3 sano ayaad yurub joogtaa ilaa maantana waxa aad leedahay waxxba ma hayo , waar dadkii borama joogay ayaa maanta guryo dhisanaya adigoo yurub joogana waxa aad leedahay isug siday wax u jiraan? ” sidaasi ayey mar walba igu soo cel celisaaa mudo yar ka bacdi maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa aan qaraacay tellphone kii gabadha aan jeclaa gurigooga waxa iga qabtay gabadha hooyadeed oo aqoon i lahayd ka bacdi islantii dhashay gabadha ayaa waxa ay igu tidhi hadal aanan ka filayn” hooyo abdirahman maanta 3 sano ayaad maqantahay , saddexdaa sano adiga ayey gabadhaydu ku taagnayd dee anigu ma aaminayo qof yurub jooga ayaa waxba hayne hooyo Inantaydu waa gabadh , gabadhna waa cawrad markaa waxa aan jeclaan lahaa in aad gabadhayda faraha iga qaado oo adan mar dabe la soo hadal, malaha sidan caadi kuma tihide ” sidaasi ayey igu tidhi islaantii dhashay gabadha .  anigu runtii lama yaabin islaantu hadalka ay igu tidhi waayo waxa ay ka fikiraysaa oo kaliya gabadheeda mustaqbalkeega , aniguna sidii aan modayey yurub way noqon wayday maantana waan ka shalaynayaa  waxa aan u yimid yurub , waayo waxa aan ku wayey gabadhii aan jeclaa , waxa aan ku khasariyey lacag badan, waxa aan ka soo fogaaday ehelkaygii ,
 
              

GUNAANAD
       
waxa hubaal ah qof walba oo insaan ah in uu leeyahay damac iyo hami uu nolashiisa rabo in uu gaadho , runtii  tani maanta igu dhacday aniga waa mid qof walba oo somali ah ku dhici karta ujeedada aan u soo qaatay ama aan u soo bandhigay waxa weyi in dadka wadanka jooga ay niyada ka saraan in lagu macaashay yurub , hadii runta aan sheego meesha lagu macaashayaa waa meesha aad u dhalateen maahin meel aad caydh qadanaysaan .

Runtii ilaa maanta ayaa kaam ku jiraa maalinba maalinta ka dabaysa ayey rajaydaydu sii dhimaysaa , tani aniga igu dhacdayna ma ogali walaalkay ama qof aan jecelahay in ay ku dhacdo , hadii aad doonayso nolasha in aad ka gaadho guul ilahay talo saaro meesha aad joogtana Bisinka u qabo , dadka aad jeceshahayna ha ka soo dheeraan hadii kale cuduro aan la daawayn baa kugu dhacaya hadii aad soo dhoofto sida ( Buufis) .  intaasi ayaa ku soo koobay aniga oo maanta sheekadayda dhan ku soo kobi karin lakiin talo iyo tusaale ha u noqoto  dad badan oo ku tala jira in ay soo dhofaan .

A salaamu calaykum 
 

Qalinkii Cabirahmaan Ali

Holland
 

Filed Under: News

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.