TACSI GEERIDA: Marxuum Xasan Xaaji Mahamed Looshade

Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka Soomaliland Transparency ee U.K, waxaan tacsi u dirayaa, xaaska,  walaalada,  ehelka, qaraabada, xigaalka, asxaabta, iyo dhammaan dadweynaha Soomaliland gaar ahaan degaanka Sanaag ee uu Marxuum Xasan Xaaji Mahamed Looshade ka soo jeeday. Marxuumku waxuu ku geeriyooday shallayto 13/03/2009 si kedis ah magaalada Hargeysa. 
 
Xasan Alle ha u naxariistee waxuu ahaa nin dhalinyar xil weyna qaranka u hayey oo ka tirsanaa Guddiga Doorashooyinka, horeyna bulshada Somaliland caan ku ahaa, isagoo ka tirsanaa ciyaartoygii Gobalka Togdheer ee kubadda cagta sanadihii sideedanaadkii. Waxa uu dhowr cisho ka hor loo doortay xilka weyn ee Guddoomiyaha Diiwaangelinta oo lagu bedelay Guddoomiyhii hore ee lagu eedeeyey mas’uuliyad darro iyo xilkas la’aan. Mansabka loo doortay ayaa qanciyey dhammaan cidda ay khusaysay arrintu, ooy u arkeen ninka ug habboon xiligan.
 
Waxa hubaal ah in qaranka Soomaliland lumiyey halyeel xiligan loo baahnaa, marxuumka se waa u sharaf inuu xijaabto mar qaranka oo dhammi u qiraayo daacadnimo iyo xilkasnimo heer sare ah. Naxdinta iyo sharafta wada socota ee bulshada ku habsatay isla mar, waxay noqon doontaa mid ILLAAHAY ugu naxariisto Marxuum Xasan.
 
Alle ha u naxariistee Xasan waxuu ahaa nin xaqsoor leh, deeqsi naftiisa u hura danta guud, daacad ah oon eex marna u badheedhin, runta ka gabban, agtiisana musuq iyo maasuq laguma tilmaamin.
 
Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo inuu ku mannaysto jannatul fardows, dhammaanna innagana inaga  siiyo samir iyo iimaan geeridan kediska ah ee naxdinta badan.
 
 
Ahmed Arwo
President
Somaliland Transparency
U.K
 
samotalis@gmail.com
 
http://samotalis.blogspot.com/

Filed Under: News

Comments (1)

Trackback URL | Comments RSS Feed

  1. khadar says:

    jibriil yoonis waxa lagu yaqaannaa
    1. fijaanka qarafada ee weyn yarka u dhalay rayaale wuxux leeyahay mid mini size ay ilaa intuu galaaska horyaalka ah ka gaadhayo
    2. cagacadda wax soo siiya
    3. jaasuus: maahmaada jibriil yoonis amma jilicsaan amm jaasuus ahaa
    4. beeltamayga ma kuu qodaa
    5.cabdiraxmaan aw cali waa geesi:ka cadaawa u adeega ay geesi u ah
    6. borama anigaa iska leh.
    7. xin iyo xaarweyn; jibril yoonis amma xinweynaa, amma xaar weynaa
    9. kabaha shaagga ah: maardoone ayaa ku ciyaara
    10. dhuxusha: waa hayntooda ugu weyn
    11. caano; tiin ka dhadhamayo
    12. xaarkabuux; waa xamaalkii ugu weynaa borama
    13. fujiscarbeed: waa ciyaartoygoosii ugu weynaa
    14.hilib iyo saqajaan
    15.toosiye
    16. gaajo kululaa waa heesta astaanta qaranka jibriil yoonis
    17. qaddaro xabaji
    18. wanjalaad: waa xikmadda ad wanaagooda ad ka dheehan karto
    19. shisheeye kalkaalnimo: odhaahdooda isaaqu way inaga fiicanyihiin
    20. fulaynimo- tiinkay galaan marka rag dirirayo
    21. iskuxaare waa mayaroodii ugu caansanaa
    22. saliidda miidda: waa hadlkaooda u gaar ah
    23. odhaahdooda: isaaqu way inaga fiicanyihiin-lacag bay leeyihiin
    24. halhayskooda: samroon muxuu haysaa gaaja laysee
    25 kalsoonidarro: aanay lafahooda ku qabin iyo samaroon toona

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.