Qurbojooga Somaliland oo Taageeray Suldan Muse Cilmi Dugsiye Kuna Baaqay In Cunoqabtaynta Galbeedku Dhamaato Imika

Annaga oo ah dhalinyar ka soo jeedda labada gobol ee Awdal/Salal, degganna dalkan ingiriiska, ka dib markaan ka arrinsanay annaga oo teleconference isugu nimid, waxa ka dhacaya dalkii hooyo iyo cunaqabataynta  saaran ganacsatada labada gobol oo keentay in dad gaadhaya saddex qof lagu laayey xuduudda Djabuuti tan ka hor, iyo hadda oo  arrintii ay soo labakaclaysay mar labaaad oo dadkii shacabkii loo adeegsanayo ciidankii qaranka ee loogu talo galay inu dadka iyo dalka difaaco sida ka dhacday degmada Lughay maalintii salaasadii. sidaa darteed, waxan ku taageersannahay mawqifka u qaatay Suldaan Muuse cilmi Dugsiiye anaga oo u aragna inu xaq ku joogo.

Waxanan wasiirka maaliyadda Cawil Cali iyo wasiirka Gacansiga iyo ciddii kale ee ay khusayso arrintani an ka codsanaynaa inay dadka masaakiinta ah laga daayo dilka iyo dhaca qaawan ee la isgu darayo, loona oggolaado ganacsatada, xoolahooda iyo ganacsigoodaba inay xor u noqdaan oon xurriyaddooda muwaadinnimo an meel lagaga dhicin. cunaqabatayntana si degdeg ah looga qaadaa. waxa kale oo wanaagsan in dadka shacabka ah cadaaladda dawladdu wada gaadhsiisaa oon gobol walba si gaar aan loola macaamilin cashuurtana ay u sinaadaan oon gobolna $ 1 laga qaadin gobolka garabkiisa ahna $ 45 an laga qaadin sida hadda taagan. intaa waxa raaca, caqli maaha dawladdu inay dadka ku qasabto Berbera maahe meel kale wax kama soo dejin kartaan  iyadna, maa daama free trade dawladdu oggolaatay taasi waa qalad kale oo la iska indhatirayo.

sidaa awgeed, waxan taageersannahay mawqifka Suldaan Muuse Climi Dusiiye, dawladdana aad baan ugu dhaliilaynaa dilkan ay askartu iska dilayso dadkeedii shacabkii. waana foolxumo weyn arintaana taliskii afweyne ayaa ku caano  maali jiray laguna yaqaannay dawladdana waxan ka codsanaynaa inay ka gedisnaadaan taliskii afweyne waxna ka baddalaan hab dhaqankan xun ee dadka shacabka ah ay u la dhaqmayaan.

Dhallinyarada Awdal/Salal-UK

Bakipress waxay ka cudur daaranaysa magacda oo farbadan awgeed inan soo gudbino oo keliya nuxurka baaqa oo ah sida kor ku qoran.

 

Bakipress

Filed Under: News

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.