Deeq-Bixiyayaasha Taageera Somaliland Oo Sheegay Inaanu Jirin Isbedel Ku Yimid Waxyaaabihii Ay Hore U Balan-Qaadeen
Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimuquraadiyadda,ayaa sheegay inaan dhinacooda wax iska bedalay jirin
qorshihii hirgalinta doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo qodobo ay sheegeen in Komishanka doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasadda iyo Xukuumadda ay hore isula-meel dhigeen.
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed kooban oo uu ku saxeexan yahay Mr Richard Hands Wakiilka Somaliland u qaabilsan Deeqbixiyayaasha, Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Wararka Hadhwanaagnews.com ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu ku sheegay in aan Wefti Deeq-bixiyayaasha ka socda oo shalay Hargeysa yimi oo la kulmay Xisbiyada Siyaasadda aanay diidin inay la kulmaan Madaxweynaha iyo Guddiga doorashooyina Somaliland, kaas oo warbaahinta qaarkood faafiyeen. Hase ahaatee, haddana Warsaxaafadeedka laguma cadaynin wathiga ay dhinacyadaas la kulmayaan Deeqbixiyayaashu.
“Annaga oo tixraacayna war maanta 30/6/2009 ku soo baxay bogga hore ee Wargeyska Jamhuuriya, kaasoo sheegayay in Weftiga Deeq-bixiyayaasha ee Hargeysa yimi 29 June (Shalay) ay diideen inay la kulmaan Madaxweynaha iyo Komishanka doorashooyinka Somaliland.
Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanay Deeq-bixiyayaashu diidin inay la kulmaan Madaxweynaha Md. Daahir Rayaale Kaahin. Madaxweynahana waxa looga fadhiyaa inuu fuliyo wixii uu balan-qaaday.
Sidaa daraadeed, waxa qorshuhu ahaa in dhinaca Xukuumadda uu kulanka u matalo Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale.
Qorshaha dhabta ah ee Weftiga Deeq-bixiyayaasha waxa ku jirtay inay mid-mid ula kulmaan Xubnaha Guddiga doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, waxa taa hakiyay cimilada Hargeysa oo xumayd, isla markaana suurtagal ka dhigi wayday in Diyaaraddii siday Weftiga Deeq-bixiyayaasha ee ka timi Nayroobi loo leexiyay Madaarka Berbera, taasoo keentay in Weftigu Hargeysa soo gaadho saddex saacadood ka dib wakhtigii loogu talagalay. Dib-u-dhacaas aan qarsoonayn ayaa keenay in qorshihii Weftigu sidii loogu talagalay u fuli-waayo. Sidaa daraadeed, Weftigu waxa uu uu si wada-jir ah ula kulmay saddexda Xisbi Qaran.
Markaa waxaanu halkan ka cadaynaynaa, in balan-qaadkii ay Deeq-bixiyayaashu ku bixinayeen dhinacooda kharashka ku baxaya doorashada Madaxtooyada, ee ay hore uga wada xaajoodeen Komishanka doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasadda iyo Xukuumadda Somaliland, iyo inaanu is bedalin oo uu sidiisii hore yahay.”
War saxaafadeedkan oo ay soo saareen wakiilka deeq bixiyayaasha u qaabilsan Somaliland ayaan lagu xusinxilliga kaleee ay la kulmayaan dhinacyada xukuumada iyo komishanka doorashooyinka
HAATUF
Filed Under: News





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














