Safarkii Suldan Ibrahim Jamac Samatar uu Ku Tegay Tadjoura

Warkii Suldaan  Ibraahim Jamaac Samatar waxa uu ka baxay jabuuti 11kii duhurnimo ee maalintii jimcihii, waxa uu gaadhay tajoora 3DII galabnimo, waxaa lagu soo dhaweeyay hoteel wayn oo cusub kaasi oo ay xadhiga ka jareen isla maalintaas suldaanka iyo waftigiisu waxaana halkaas ku soo dhaweeyay MR OMAR oo ah gudoomiyaha guud ee golaha deegaanka tajoorah,

isla markaana ah agaasimaha guud ee korontada gobolka tajoorah, nasasho yar ka bacdi waxa uu u ambo baxay suldaan ibraahim qasriga badhasaabka gobolka tajoorah halkaasna waxaa ku soo dhaweeyay MR abdirasaak oo ah badhasaabka gobolka tajoorah,mr abdilqadir suldaanka gobolka , iyo madaax faro badan oo iskugu jirtay xildhibaano, wasiiro,ciidamo, cuqaal, culimaa u diin, iyo dadwayne fara badan oo ay dhamaantood ka muuqatay farxad iyo soo dhawayn waxaa intaa dheeraa wadooyinka magalada waxaa lagu dhajiyay halku dhagyo ku qoraa af canfar kuwaas oo ahaa kuwo si gaar ah loogu soo dhawaynayay suldaanka iyo waftigiisa reer saylac, dabadeed waxaa loo gudbay qayil  iyo wada sheekaysi socday ilaa 5 saac, habeenimadii wxaa loo kacay casho sharafeed uu u fidiyay badhasaabu suldaanka dabadeed waxaa loo kacay halkaas iyo xafladii calansaarka oo uu suldaanka iyo mayarka Saylac ee Mr. Cawad ay ka jeediyeen qudbado dabadeed waxa ay qaaten salaanta calanka saacadu markii ay ahayd 2dii habeenimo waxaa loo kacay dhankaas iyo huteelkii.
 
Maalintii sabtidii wxaa u bilaabmay suldaanka iyo waftiiigiisa siyaaraad ay ku tageen meelha taariikhiga ah eee ay wadaagaan saylac iyo tajoorah sida masjid shaadili, maqaamka sheekh moxamed sheekh ibraahim saylici, iyo ceelka tajoorah dekeda tajoorah,warshada biyaha ee tajoorah, dabadeed suldaanku waxuu u anbo baxay booqasho uu ku tagay degmada RANDA halkaasna waxa uu kula kulmay madaaxdaiyo caaqilada degmadaas 12kii duhur nimo waxa uu ku soo laabmay magaalada tajoorah halkaas oo hadhimo sharafeed uu ugu diyaariyay suldaanka tajoori.

Dabadeed galinkii danbeh waxa uu suldaanku u ambo baxay degmada DAAY iyada oo ay la socdaan dhamaan madaaxdii reer tajoorah meeshan ayaa ah meel sare oo ku taal buur dusheed isla markaana uu ku yaal guriga madax wayneh ismaaciil uu ku nasto jimcayaashii meeshaas oo ah  meel aad u qabaw isla markaana ah meelaha loo daawashada iyo nasashada tago, waxa glkaasna ku soo dhaweeyay xildhibaan reer DAAY ah waxaa kaleh oo soo dhaweeyay suldanka madaxa ciidamada ilaalada madax waynaha ee degen DAAY kaasi oo u keenay suldaanka iyo waftigiisa QAAD laga soo guray beerta madax wayneh ismaaciil iayad oo la dajiyay waftiga suldaanka huteel csub oo isna halkaas ku yaal halka cashadii iyo qureecdii ay casumeen waftiga xildhibaano iyo madax dhaqameedyo ka tirsan degaanka DAAY,
 
Maalintii axadaii galinkii hore waxaa suldaanku uu booqasho ku tagay guriga madax wayneh ismaaciil iyo berta gurigaas ku taal halkaas oo uu suldaanku ka dhex duceeyay gurigaaas si abtinimo, dabadeed waxa uu u anba baxay suldaanku halkaas iyo jabuuti iyada oo uu halkas ku sii sagootiyay BUN iyo SALOOL dhaqameed uu u fidiyay XILDHIBAAN MOHAMED DILAYTA oo isagu mar walba xidhiidhinaayay hawlaha lagu soo dhawaynaayay suldanka dabadee waxa uu soo gaadhay magaalada jabuuti galinkii danbeh ee isla maalintaas.

Waxaaka mid ahaa waftiaga suldaanka GUDOOMIHA DEGMADA SAYLAC MR CAWAD; MR COLHAYE TALIYA CIIDAMADA BOOLISKA EE G/SELEL, MR KINKONG GUDOOMIYHA KALUUMAYSIGA EE G/SELEL.
arinkan ayaa ku dhamaaday farxad iyo rayn rayn.
 
Jamaal Idriss

Filed Under: News

Comments (3)

Trackback URL | Comments RSS Feed

  1. axmed cabdi xudhuun says:

    aniga oo ah axmed cabdi xudhuun, oo ku nool waddanka \holland waxa aan si aad iyo aad ah ula dhacsanahay dhaqdhaqaaqyadda sidan oo kale ah oo uu suldaan ibrahin suldaan jaamac suldaan samatar ka waddo saylac iyo tadjourah ama djibouti ba ee dadka walalaha ah la isku soo dhaweynayo. waxa aan leeyahay waa tusaale wanaagsan oo ah in lagu daydo, tana halkaas lagaga sii waddo oo la soo celiyo karamadii iyo tariikhdii dadkani iyo dhulkani lahaan jireen, wakhtiyadii awawyasheen ku nolaan jireen dhulkaas.
    wabilaahi-towfiiq.

  2. maxamed says:

    walaalyaal waan idin salaamayaa dhamaantiiba, waxan rabaa inaan arigtidayda aan ka dhiibto booqashada uu suldaan Ibraahim Jaamac Samater ku tagay dalka jabuuti gaar ahaan deegaamada canfarta, aniga waxay ila tahay in arrintani ay tahay mid aad u wanaagsan in dadka aan jaarka nahay xidhiidh wanaagsan lala samaysto waana loo baahnaa tan oo kale kolay SAMAROON iyo CANFAR xidhiidh fiican ayaa ka dhexeeyay hadan in la xoojiyo ayay u baahnayd sida kalena Canfartu waa dad aad u wanaagsan.

  3. ANOO AH OMAR IBRAAHIB DIIYE WXAAN AAD UUGU FARAX SANAHAY BUUQASAH SULDAAN IBRAHIN JAMAC SSMATAR UGU TAGAY MAJALADA JABUUTI

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.