Gabay Dahir Rayale -
Adaa rayaaloow jiitayoo jabiyay dadkaagiiye
adaa jikaar noqday dhagax iyo jaajuure
adaa sidii jirjirooliyo jabiso lagu moodaaye
adaa rageenii la kadab jaray karsaday jiidhkoodiiye
Jaahil ma quustee haddaad wali doorasho u joogto
ku jaxaaso laabta warbaan kuu jarminayaaye
samaroon jabyoo waxa ku dhacay hargab jiireed dheh
Maxadcase jeexbaa maqan ciilbuu la jiifaa dheh
habar cafaan juuq laga waa jacbaa gaadhay dheh
Makaahiilku waa kala jaade qaarbaa jirradan qaba dheh
reer nuur la jarjaryoo taahbay jibaadaan dheh
jibriil yoonis iskuma jiree badhbaad jiidatay dheh
Intooda jilicsani dhammaan aday kula jiraan dheh
jidbadii doorashaday tolkaba la jiidheen dheh
jidhku ma damqade durbaanbay kaga jug siiyeen dheh
tacsidiiyoo la joogay mashxarad isu jiibiyeen dheh
adaa jirrabay reerahakani kala jeemay daahiroow dheh
haddaad jaalle naga tagi lahayd jiro nama haleesheen dheh
jaaw an kuu ducayne ku jarmaad sidaas dheh
jeeskaaguu hadii kale jiirku kuugu soo gali dheh
jihada usii jeeso waxbaa jalalam leh aakhiro dheh
Nimcaan sh muxumad (ilka-jiir) -Djibouti
Filed Under: News





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














