Ilaahow Doodi Soo Celi Dhaha aad Dib u Magooshaane
Anigoo ku hadlaya magaca beesha reer-maxamed waxaan soo jeedinayaa fikirkayaga ah in doodi la soo celiyo oo beesha samaroon uu u duceeyo. sida aynu wada ogsoonahay waxaan lahaan jiray boqor iyo 100 oday oo ka taliya degaanada gadabuursiga caasimadeenuna waxay ahayd Saylac.
Waxaa sababay oo burburiyey quwadii ay kari waayeen in ay jabiyaan dadkii barigaa xooga is bidaayey oo ay ka mid ahaayeen masaarida,turkiga ,axmaarada,ingiriis,fransiis,bortaqiis,iyo kuwo kale oo fara badan oo gabigood ujeedadoodu ay ahayd inay xeebaha gacanta ku dhigaan laakiin rag ayaa uga dhaartay ilaahay naxariistii jano ha siiyee.ninkii raba taariikhdaa ha ka akhristo meelkasta oo taariikhaha dunida lagu kaydiyo gaar ahaan dawladaha reer galbeedka(library)
maanta waxaa dib u soo noqonaya nasrigii oo sida aynu wada ognahay tafiirtii doodi oo socota ayaa inoo soo baxday kaas oo ah boqor da,da yar aqoonyahanka ah ee hore loo caleemo saaray 1982 dii isagoo wiil yar ah maanta wuxuu gaadhay waqtigii aan sugaynay inuu samaroon hogaan u qabto una ducayn lahaa.
UGAAS CABDIRASHIID UGAAS ROOBLE UGAAS DOODI ilaahay hawsha ha kula qabto aamiin dhahada ,ilaahay inuu ka dhigo kii cadawga durkinaayey aamiin dhahada,ilaahay inuu ka dhigo kii barwaaqada waday aammiin dhahada.,ilaahay kii beesha midaynaayey inuu ka dhigo aamiin dhahada……..
UGAASKEENU WAA aqoon yahan ee maaha sida beelaha kale wiil yar oo xoolaha laga soo reebay oo aan magaciisa qori aqoon.
ugaaskee wuxuu awood u leeyahay inuu dawlad gooni ah inoo sameeyo waayo ? wuxuu wax ku soo bartay dawladaha dunida ugu laxaad weyn ee maaha wiil yar oo afar halaad laga soo reebay oo 40koofiyad baclayaal ihi galbinayaan.
ilaahay xilka iyo hawsha ha kuu fududeeyo…..
ilaahow doodi soo celiya dhaha aad dib u magooshaane…..
cabdiraxmaan muuse
xooray
degmada baki
awdal
somaliland
Filed Under: News





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














