Dahir Rayale iyo Wasiirka Dalxiiska Somaliland – Cabdiraxman Waaberi oo Lacag ku Cunay Caleemo Saarka Ugaaska Jabuuti
SAYLAC – Waxa warar isa soo tarayaa sheegayaan in xarash malaayiin gaadhayaa oo abaal gudka calaamo saarka ugaas beenta ah ee Jabuuti soo gaadhay Dahir Rayale iyo wasiirka dalxiiska Somaliland Cabdiraxman Waaberi oo lagu tilmaamo safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland isagoo dhexdhexaadiya baayachmushtarka Jabuuti ee dhul balaadhsiga huwan iyo soo dhawaynta Dahir Rayale marka xukunka laga qaado iyo hanti u qarintiisa – Hadaba waxay wararku sheegayaan ugaaska beelaha Ciise ee reer Jabuuti waxay dad badani cadeeyeen in ay ka danbeeyeen siyaasada sii qasmaysa ee Ismacil Cumar Geele oo xukunkii ka dhamaaday doonayana in beeshiisa uu ku furo aag dagaal oo Somaliland ka yimaada si uu shacabka Jabuuti ee uu inta badan gumaysanayey ugu sheego inuu isagu caabinayo.
Ismacil Cumar Geele oo danbiyo gudaha ah gaystay sida xadhiga iyo jidh dilka shacabka Jabuuti ee aan ahayn beesha ciise loo gaystay sanadihii sideetamaadkii markii Xassan Guled talada hayey ee Hudheelka la qarxiyey iyo isagoo lagu eedeeyey inuu gaystay dilkii xaakin faransiis ah iyo falal badan oo argagixiso u badan oo uu shacabka ku hayo – ayaa baryahan badalay siyaasadiisa – isagoo u badalay dhul balaadhsi.
Keenista uu keenay Ugaaska beeshiisa Saylac oo dalka Itoobiya ee lagu caleemo saari jiray hadii uu jiray caleemo saarba ayaa shacabku xaqiiqsadeen inuu Ismacil bixiyey lacag malaayiin kor u dhaafaysa. Waxa ilo lagu kalsoon yahay cadeeyeen in lacagtaa qayb ka mid ah lagu laa luushay Dahir Rayale si uu u hor istaago qalalaase ku yimaada ugaaska beenta ah ee la keenay Somaliland. Jabuuti oo aan ictiraafsanayn Somaliland ayey af kala qaad ku noqotay shacabka in xukuumada necab shacabka hadana dhelka shacabka ay si sharci daro ah kusoo galaan waliba ay lasoo galaan ciidan aan haysan dalku joog ama “Visa.”
Fadeexada ugaaska Jabuuti ayaa Dahir Rayale ku noqonaysa cadayta in uu yahay calooshiisa u shaqayste dalka u jooga lacag urursi oo aan lahayn dhiiga iyo wadaniyada shacabka Somaliland ay wadagaan sida ay u dhan yihiin.
Xukuumada sii dumaysa ee Dahir Rayale wax war ah kamay soo saarin is rasaasaynta ka dhacday Saylac iyo sida sharafta loga qaaday madax banaanida Somaliland.
Hadaba hadii ay ku cadaato in Dahir Rayale lacag ku qaatay in uu keeno dad aan u dhalan, kuna dhalan Somaliland – iyagoo iska dhigaya inay dalka u dhasheen oo ay ka danbeeyaan arimo siyaasadeed – ayaa Dahir Rayale waxay ku waajibinaysaa in maxkamad lasoo taago marka xukunka laga qaado. Arintan oo sii balaadhinaysa list-ka danbiyada qaran ee uu ka galay shacabka iyo dalka.
Ismacil Cumar Geele ayaa sidoo kale aan ku farxin sida ay u dhacday dhoolo tuskii siyaasadaysnaa ee uu rabay inuu kusii joogo aqalka looga taliyo Jabuuti kadib markii odayada gobolka Shiniile ee Itoobiya ay weriyayaasha u sheegeen inayna raali ka ahayn imaanshaha ugaas uu yimid Somaliland.
SayliciPress Saylac
Filed Under: News





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














