Maxay ku kala duwan yihiin mucaarid iyo muxaafidka beelaha dhexe maxayse dhamacsanyihiin beelaha cidhifyadu

Ninkasta ama qof kastaa wax buu aaminsanyahay isagoo u arkaaya inuu yahay qofka kaliya ee saxda ah. sida aynu wada ognahay  madaxweynaha somaliland wax buu aaminsanyahay  kuwa ka soo horjeedina waxbay aaminsan yihiin iyagoo isku haysta inay saxan yihiin.
Waynu wada ognahay wixii ka dhacay saylac maalmihii la soo dhaafay taasi oo dhamaan shicibka gobolka awdal waxay aaminsanyihiin in daahir arimahaas ka masuul yahay , halka kuwa kale ay wax ka duwan ku waramayaan. rayaale waxaa u dhigan shax meesha uu galayo iyo halka uu ku dhuumanayo marka xukunku farahiisa ka baxo. anigu shakhsi ahaan daahir rayaalew waxaan u aqaanaa ama ugu yeedhaa AYAAN DARAN  sababtuna waxay tahay ilaahay wuxuu ka madoobeeyey inuu xataa sheegto beesha uu ka soo jeed isagoo isku qufulay hadduu sheegto reer dudub inuuwaayayo masabka uu haysto.
 
beelaha dhexe waxaa dhex yaal maanta dhimasho aan dawo loo heli doonin waxkasta haddii la sameeyo,iyadoo aan filayo haddii siyaad barre soo noolaado ayuunbay midoobi lahaayeen. beelaha cidhifyada waxaa u qorshaysan arimo aad u qotodheer oo ku xidhan VILASOMALIYA ama banaadir iyagoo sugaya xasilooni ka dhalata muqdisho. saqbabta ugu weyn ee beelaha cidhifyadu ay u aamini waayeen somaliland waa bal u firso wixii ka dhacay SAYLAC iyo jawaab la,aanta labada xisbi ee been-beenta ah midkoodna ma cambaarayn mana ka hadal dalka la boobayo waayo? waxaa ku yar wadaninimada , iyadoo aan ogayn wixii ku dhacay beesha dhexe saylac salaadiin iyo wasiiraba ayay casuumad iyo xaflado lacag lugu bixiyey ku dareen jabuuti dhexdeeda iyagoo kacabsi qaba in kuwa jabuuti degan la soo masaafuriyo. Markaasay amaan afka waaxeen abwaanaddii qiimaha lahaa ayaa noqday waxaan jirin oo amaan saacado badan u tirinaayey wiil yar oo afar halaad laga soo reebay  oo aan magaciisa qori aqoon ,quraankana aan faataxada akhriyi karin.
 
isku soo wada duuboo dhamaan waxa ka socda geeska africa waa khiyaamo iyo boholo isku qodid nin wadani ihina ma jiro. ilaahay muqdisho ha inoo hagaajiyo passport kiina xamar ayaa loo doonan doonaa haddii khiyaamada muwaadinka la joojin waayo.
 
muxyadiin ciise
paris
france

Filed Under: Opinion

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.