AWDAL: Gobi Ma Gadato Codkeedee, Ganbo Ha Siisan Sharaftaada
Waa Odhaahdii ugu danbaysay Ololaha doorashada Somaliland, oo si gaar ah ugu wajahan Ummadda reer Awdal ee ka qayb qaadanaysa doorashada madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland
In badan oo inaga mida ahbaa ku andacoota in Ilaahay awdal u keenay Awliyo madaxweyn oo la yidhaahdo Daahir Rayaale Kaahin, oo dalka iyo dadkaba gaadhsiiyay guul iyo horumar iyo barwaaqo. Balse, inkale oo intaas kasii badan ayaa ku dacwida in Ilaahay Ummaddda Awdal ka dhaliyay madaxweyne rixin gooys ah, oo halkii uu ku dhashay iyo dadkii uu la dhashay an u lahayn Arxan iyo naxariis toona. Awdalna xuquuqdii iyo xurmadii ay ku lahayd Somaliland ay ku wayday ka dib markii Madaxweyne maqqar saar ah, oo reer Awdal ah loo magacaabay mansabka dalka ugu sarrreeya.
Hadaba, maanta waxa lasoo gaadhay guntii iyo gabagabadii, oo ah maalintii uu codkaagu noqon lahaa madfac iyo gumuc iyo rasaas ad naftaada ku difaacdo, shucuurtaada ku muujiso, dadnimadaada ku qadariso, dareenkaaga ku sheegto, adigoon lacag ku iibsanaynin, hadana an waxba dilaynin. Muxaafid iyo mucaarid midkoodna ma bixin karaan mana gadan karaan sharafta qof ahaaneed ee Ilaaha Qaadirka ahi , adiga kuu Qaddaray. Waaanan la soconaa in xukummadda gabalkeedu sii dhacayo ee ka talisa Somaliland ay isku dayayso inay tab iyo xeelad kasta oo ay ku xod-xodan karto shacbiga gobta ah ee Reer Somaliland, ay ku dhaqaaqdo, xitaa haddii ay qaarkood ka iibsan karto codkooda.
Is weydii, dad yaa kuugu xiga?, ogsoonowna nin ku xigaba Ilaahbaa kaa xiga, kuwa kuugu jecel iyo kuwa kuugu neceb toona midkoodka Iilka iyo xabaasha kugu wehelin maayaan, ama kugu weerari maayaan. Sidaa daraadeed ka hor intaanad codkaaga dhiiban garaadkaaga ku hay, xikmadahan hoos ku qoran kadibna dhiibo codkaaga:
- Guullle haddaad ka baqayso, ha gadanin codkaaga
- Haddii ad gob tahay, ha gadanin codkaaga
- Haddii ad gunnimmo neceb tahay, ha gadanin codkaaga
- Hadii ad geyigaaga jeceshay, ha gadanin codkaaga
- Haddii ad gobolkaagu qadariso, ha gadanin codkaaga
- Haddii ad gef arkasyo, ha gadanin codkaaga
- Hadii ad gardarro diid tahay, ha gadanin codkaaga
- Haddii ad gumaysi neceb tahay, ha gadanin codkaaga
- Hadday gunnimmo ku dhibayso, ha gadanin codkaaga
- Hadii ad gacaltooyo jeceshahay, ha gadanin codkaaga
- Haddii xigaal kuu gudboon yahay, ha gadanin codkaaga
- Haddii ad tolkaa gumaadi karin, ha gadanin codkaaga
- Haddii anad eexasho gali karin, ha gadanin codkaaga
- Haddii ad geyaan tahay, ha gadanin codkaaga
- Haddii xilku guurto yahay, ha gadanin codkaaga
- Haddii aanay garanin laabtaadu, ha gadanin codkaaga
- Haddii anu garaadkaagu ku siin, ha gadanin codkaaga
- Haddii garaaddo ad ku helayso, ha gadanin codkaaga
- Waa sharaf ku gadaamane, ha gadanin codkaaga
- Gogol raaxo weeyiye, ha gadanin codkaaga
- Go’ o ad hillaabato weeyee, ha gadanin codkaaga
- Gasiin iyo weeye xeedhee, ha gadanin codkaaga
- Gumuc iyo gaashaanbuu kuu yahaye, ha gadanin codkaaga
- Guullaa arsaaq bixiyee, ha gadanin codkaaga.
- Xisbigii garan kara isbadal, ku gargaar codkaaga
- Xisbigii ay gari gasho, guddoonsii codkaaga
- Xisbgii ku gumeeya, gari mari codkaaga
Hadal iyo dhammaantii; Gobi ma gadato codkeedee, ganbo ha siisan sharaftaada. Ballanteenuna waa 26 ka Juun, oo aynu ka xoroowno mustacmarad, munaafaqad, musuqmaasuq iyo maamul xumo
Wargayka HiilDan.com:
Abdiqani Atayeh – London UK
Filed Under: Opinion





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














