Hambalyo Ka Timid Jaaliyada Reer awdal London Uk Oo Ku Socota Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Mudane Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici)

Anigoo ku hadlayaa magaca taageerayaasha xisbiga kulimye ee magalada London,Uk waxan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng.Cabdirahaman Cabdillahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guuleystay jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka doorashadii 26kii June/2010.
 
Mar labaad waxan hambalyo u dirayaa dhammaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee guusha soo hooyay meel ay joogaanba.

Ummdadda reer Somaliland waxaan leeyahay waad wada guuleysateen dhammaantiin iintii dooratay Siilaanyo, Dahir iyo Faysalba. Sidaas darteed waa inaad ku dedaashiin wada-jirkiina iyo walaaltinimada. Eebe ha inooga dhigo dawladii lagu caano-maalay. Waa inaan dhammaanteen taageernaa xukuumadda cusub ee soo socota oon u rajaynayo guul iyo caddaalad inay inagu hagaan. 
 Abdirahman Daahir Ojor
 London,Uk

Filed Under: Hanbalyo

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.