Maxaa Dadka Reer Awdal ka Hortaagan ka Ganacsiga Khayraadka Badda

Inkasta oo aanay soomaaliduba  ku fiicnayn  gurashada  khayraadka badda iyo waxsoosaarka  ayaa kuwa ugu sii daran  ay yihiin dadyowga degan goboladan Awdal iyo Salal. Dadyowgan oo haysta xeebo aad u dhaadheer , dekado iyo bad ay ka buuxaan noockasta oo kaluun ah ayaan gabi ahaanba xeebahan ka madhan yihiin dhaqaaq ganacsi, doonyo iyo maaraakiib ay leeyihiin dadka meeshan degani sobobta taas keentayna aan ilaa hadda  la ogeyn.

Hadaba ma dhaqankii soomaalinimo ee soo jireenka ahaa ayaa jiidanaya dadka oo ka hortaagan badda iyo khayraadkeeda mise dadka ayaan xirfad u lahayn  farsamooyinka kala duwen ee badda loogu noolyahay mise waxaa jira duruufo hortaagan ka ganacsiga khayraadka badda ?. Marka laga reebo dadka aaminsan gabaygii ahaa ” Nin qudhkale waayay ayaa badaa qaawanaan gala ”
 
waxa jirta duruufo ku xeeran oo aan dadka u saamaxayn inay badda ka ganacsadaan sida, tababar la’aan iyo dekadihii oo burbursan. Waayo , tababaro ay helaan dhalinyarada degaanadan waxa ugu dambaysay tababaradii ay bixin jirtey hay’adii (FAO) ee cuntada iyo beeraha sanadiihii 80dii magaalada Saylac halkaas  oo ay ka soobixi  jirteeen dhalinyaro xirfad u leh badda iyo hawlaheeda kal duwen.
 
 Wixii  ka dambeeyay burburkii dawladii militerga ahayd, dhalinyaradu maysan helin tababaro  iyo wax ku gacan siiya barashada  xirfadaha kala duwen ee badda sida, hababka kala gedisan ee   kaluumaysiga , sameynta shabakadaha  , wadida doonyaha , jilaabka  iyo qalabyo wixii ay badu u baahnayd intaba  taasna  waxaan  odhan karaa waxay yaraysay dhaqaaqa dadka ee xagga bad-galista.
 
Mida labaad, goboladan AWDAL iyo SALAL malaha dekado fiican oo soo jiita ganacsatada kala duwen oo maalgashi ku samaysata doonyo ama maraakiib  ay kaga shaqaystaan xeebahan iyadoo dadka qaarkiina aaminsan yahay inaysan haysan suuq ay u iibgeeyaan wixii ay kasoo saaraan badda. Isku wada geeyoo, dawlada cusub ee soomaaliland iyo siyaasiyiinta goboladan waxa looga fadhiyaa  in ay dib u soo nooleeyaan tababaradii badda ee la siin jirey dhalinyarada  taas oo dhaliyaro badan  kaga badbaadi lahaaayeen tahriibka iyo shaqo laanta baahsan ee ku habsatay gaar ahaan goboladan Awdal iyo Selel.

Yasin M. Geelle  

Zwole, Nederland

Filed Under: Faalo

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.