Waa Maxay Chief Of Cabinet Cilmiyan
Waa Maxay Chief Of Cabinet Cilmiyan: Muxuu Masuul Ka Yahay Chief Of Cabinet:Dastuurku Muxuu Ka Qaba: Ma Mansab Siyaasadeedba Mise Waa Mansab Maamul, Yaa Isticmaala Chief of Cabinet– Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Translation: What is chief of cabinet?, what is his job description, what the constitution said about it, is it a political or administrative post, Which countries or nations use the chief of cabinet post?
Bismilahi Raxmaani Raxiim,Ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nebigana Muxumed C.S.W Ramadaan Kariim dhammaan akhristayaal
Kelmadda Cheif “horgalle” ama afka carabiga ku noqonaysa “Al-caaqil” waxaa markii ugu horaysay taariikhda dunida la isticmaalay 1512 waxaana isticmaalay qoomiyadda Scotish-ka ee degen dalka boqortooyada ingiriiska oo waagaasi ahayd dad ka kooban qabaa´ilo kala duwan oo dega jasiiraddaha boqortooyada ingiriiska, qoomiyadda Gaelic Scotish loo yaqaano ayaa ahayd qoomiyadii ugu horaysay ee yeelata horgalle ama Chief, marka waxay dadka Gaelics ee ka tirsan qoomiyadda Scotish-ku ay waagaasi samaysteen laba axdi (Conventions) oo la kala odhan jiray Chief oo ah xukume iyo Chieftians oo ah la xukumayaal iyagoo marka ku kala soocaayey ama ku kala saaraayey inta noqonaysa horgalayaal iyo la horgalayaal.
Sababta markaa keliftay in dadka Gaelics ama Scotish-ka loo yaqaana ay waagaasi samaystaan Chief ama horgalle ayaa ahayd dagaalo ba´an oo ay kula jireen qabaa´ilo waagaasi ay isku haysteen gacanka dharararan ee jasiiraddaha Scotish Islands iyagoo waagaasi la dagaalamaayey dadka English Saxons ka loo yaqaano oo marka tiro ahaan ka badna, awoodda horgallahu chief waxay ahayd wakhtigaasi abaabulka reeraha ama jilibyada hoose, ururinta ciidamadda, tallo ka gaadhista iyo samaynta caaqil hoosaadyada oo afka ingiriisiga lagu yidhaahdo sub-chiefs, waxaa waagaasi jiray daraajooyin kala duwan oo horgalahu leeyahay iyagoo ay ka mid ahaayeen
1. chief of clan (horgalaha qabiilka)
2. chief of army (horgalaha ciidanka)
3. chief of of Boat (horgalaha ciidamadda bedda) markii danbana loo bixiyey (chief of navy army)
Kelmadda chief ama horgalle afka carabigana ku noqonaysa “caaqil” waxay sidoo kale caan ku noqotay qabaa´iladdii carabta wakhtigii jaahiliyadda lagu jiray iyadoo qoomiyadahii carbeed iyo weliba qoomiyaha daga yurub, waqooyiga iyo koonfurta qaaradda america ay lahayeen darajooyinkaasi, qabaa´ilaadka aadka u isticmaali jiray ilhaaniyadda caaqilka “chief” waxaa ka mid ahaa qoomiyadaha Chicksaw, Chicktaw, Armanian, Rajput, martinial, norse clans, partitiach, amalek, qatariyan, Tamuud, Qahtan, Jurhum iyo qaar badan oo aanan halkani ku soo koobi karaynin.
darajadda horgalle ama caaqil ama afka ingiriisiga loogu yeedho (Chief) waxay la halmaashay cahdiyadii kala duwana ee dunida soo martay sida Shuuciyaddii (Communism), Saxnuuniyaddii (Zionism) hantiwadaagii (socialism), iyo cahdigani ay hadda dunidu dhex dabaalanayso ee raadka weyn ku leh ee loo yaqaano (Civilization) ama ilbaxnimada ama sidoo kale ay ugu yeedhaan (Jefforsonian Democratism), tusaale ahaan qarnigii shuuciyadda iyo hantiwadaagga ee ay kala aaminsanayeen dalalkii galbeedka iyo beriga ee ay kala hogaaminayeen Sovietka iyo dunida kale ee maanta reer galbeedka isku tirisa waxay isticmaali jireen darajada chief iyadoo halkii cahdi samaankooda ay ahayd in la siiyo darajadaasi ama ay ahayd darajada ugu saraysa ee qabaa´ilka waxay u dhalan rogeen ama u bedeleen dhinaca quwadda ciidamadda waxaana ay soo saareen waxay ugu magac dareen (Chief of army) ama the national chief of staff oo ah ninka ugu sareeya ammaanka ama ciidamadda dalka.
Kelmadda kale ee aan doonayo inaan si macwyan ah ama aqoon leh u icitraaqo waxay tahay kelmadda afka ingiriisiga ku ah (Cabinet) oo ah golle oo marka la sharaxo ama la fasilo noqonaysa dad loo doortay hawl oo ku midaysan dallad, kelmaddu macno ahaan waxay ka koobantahay laba kelmadood oo afka ingiriisiga ah oo isku tegay oo kala ah (Cabin) oo ah guri ka samaysan walxo gacmeed la isku geeyey oo ay isticmaali jireen dadka degen jasiiradaha ama goobaha xeebaha ee kulul, kaasi oo macnaha ugu dhaw ee afka soomaaligu noqonayo cariish, marka kelmaddu waa Cabin-Net, net waa isku xidhe, kelmadda naxwe ahaan waxay ka timid weedhahii girigiiga oo badanka luuqaddaha la qoro ay badankood ka soo farcameen, marka isticmaalka maamul ee kelmadda cabinet waxaa ugu horeeyey ee dunidani isticmaala waxay ahayd boqortooyadda dalka ingiriiska sannadkii 1610-kii, waxaana fasilka ugu dhaw ee luuqadda afka soomaaligu uu ku noqonaysa “tallo-goyayaal” Cabinet waxay dastuurka ingiriiska ka masuul yahiin awoodda koobaad ee boqortooyada Britain awoodaasi oo ah go´aan qaadashada, dhisidda maamulka dalka, awoodda fullinta maamulka iyo wixii kale ee la halmaala hogaanka dalka.
Dasuurka boqortooyada Britain wuxuu dhigaya in dadka ka mid noqonaya golaha tallo gooyayaasha (the Cabinet) ay ka yimaadaan golaha baarlamaanka oo ah iyagu gole ay dadku soo doortaan, haddaba waxaan doonaya inaan iyadana sharaxaad ka bixiyo marka la isku daro labada kelmadood ee Chief iyo Cabinet waxay macno ahaan noqonayaan, yaa isticmaala?, muxuuse qofka awoodaasi loo dhiiba yeelanaya?, waxaan sharaxaad ka bixinayaa.dastuurka Somaliland wuxuu fasil ahaan ka bixinayo qaabka golaha xukuumadda iyo sida ay noqonanayso
Chief Of Cabinet (Horgalaha Tallo Goyayaasha) Ama Hogaamiyayaha Golaha Tallo-gayaasha
Dalka keliya ee maanta isticmaala awoodda horgalaha talo gooyayaasha (Chief of Cabinet) waa dalka Japan, awooddda horgalaha tallo gooyayaashu (chief of cabinet) wuxuu ku soo biiray siyaasadda dalka Japan 1966-kii, awoodda dastuurka ee Chief of Cabinet ka dalka Japan waa ninka ugu sareeya ee unka, falka, isla markaana ictiraaqa siyaasadda guud ee dalku ku shaqaynaayso waana ninka ugu awood badan dalka marka laga yimaado ra´isal wasaaraha (the premium power) waxaana dadka Japan ay ugu yeedhaan (??????, naikaku kanbo chokan taasi oo macnaheedu tahay maskaxdii dawladda, wuxuu ka masuul yahay daraasadaynta, cilmi baadhista iyo samaynta siyaasadda dalka Japan oo dhan, xafiiskiisu wuxuu ku yaalla dabaqa shanaad ee qasriga maamulka dalka japan ee magaalada Tokyo, siyaasadda dalka oo dhana waxay ku shaqaysa wuxuu soo unko ama soo falko oo la horgeeyo golaha xukuumadda oo ra´isal wasaarahu hogaaminaayo. waxaana awoodiisu ay si cad ugu talla dastuurka dalka Japan faqradiisa 59-aad, waxaana magacaaba chief of Cabinet-ka golaha baarlamaanka ee dalka japan oo ra´isal wasaarahuna ka yimaaddo
Dalka kale ee darajo u macno dhaw isticmaala waa dalka maraykanka oo leh darajada (Chief of Staff) oo ah ninka ugu awoodda badan magaalada Washington, waxaa hoos yimaadda dhammaan waaxaha arrimaha dalka maraykanka, waxaa hoos yimaadda waaxaha ammaanka, booliiska, sirdoonka qarranka iyo weliba isku xidhka maamulada gobolada iyo dawladda dhexe ee Washington, waxaana magacaaba Madaxweynaha dalka maraykanka, waxaana awoodahiisu ay si cad ugu qeexanyahiin dastuurka dalka maraykanka waxaana ansixiya labada gole ee dalka maraykanka Senate-ka iyo Congresska.
Somaliland iyo Horgalaha Tallo goyayaasha (The Chief of Cabinet)
Somaliland waxaa ka jira dastuur ay dadka ku nooli u codeeyeen 2001-dii, shacabka Somaliland waxay dastuurkaasi ku meel mariyeen %97, waxaana uu dastuurku yahay mid uu ku baxay wakhti badan isla markaana si cad u iftiminaaya awoodaha iyo xuduudaha siyaasadeed ee somaliland (the power and boundaries of somaliland politics), haddaba inagoo si waajib ah uga tallo qaadanayna dastuurka dadka dalka lihi ay meel marsadeen ayaa inagoo soo qaadanayna xubintiisa 3-aad, qodobkiisa 94-aad, oo ciwaankiisu yahay golaha wasiiradda wuxuu u dhiganyahay qodobkiisa
Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir u go´aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda.
bal hadda u fiirso akhriste fasiiladda dastuurka wuxuu si cad u iftiiminaya in dalku yahay dal yeelanaya gole wasiiro haddana isagoo dastuurku sii bildhaaminayo cidda leh magacabista iyo xil ka qaadista golaha wasiiradda wuxuu dastuurka isla xubintiisa 3-aad, qodobkiisa 94-aad,faqradiisa 2-aad uu u dhiganyahay sidani
Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah.
bal hadda u fiirso sida cad ee dastuurka dalku u dhigayo qaab siyaasadeedka jihaysan ee maamulka golaha xukuumadda oo ah in madaxweynahu uu yahay awoodda magacaabaysa ama xilka ka qaadi karta golaha, haddana isagoo sii fasilaya dastuurku wuxuu yidhi waxaa la hor gaynayaa golaha wakiiladda oo ku ogolanaya ama ku diidaya cod hal dheeri ah.
dastuurku meelna kagama uu qeexin ama sheegin, ama tilmaamin ama fasilin magaca horgalaha golaha (The Chief of cabinet) oo sidaynu hore u sheegnay ku qoran dastuurka dalka Japan oo ah dalka keliya ee mansabkani isticmaala, isla markaana cidda maanta ku magacaaban xilkaasi Somaliland lama marin ama lama horgayna golaha wakiiladda, marka waxay mac-naheedu tahay in xilkani uu yahay mid xaaran ah magacaabistiisu dastuuriyan, isla markaana sharciyan uu yahay mid sifahiisu yahay mid aan banaanayn maadama oo aanu ahayn xil maraya ama la marinayo golaha wakiiladda oo iyagu iska leh xilka ansixinta ama diidista mansabkani.
magacaabistii shakhsiga ku magacaaban xilka lagu sheegay chief of Cabinet-ka madaxtooyada waa mid aan sifahiisu ahayn mid sharci ah, ka baxsan dastuurka Somaliland isla markaana cidii magacawday oo ah Madaxweynaha dalku uu ku xad gudbay dastuurka dalka Somaliland, waa mid u baahan in cidda ay khusayso inay si cad uga hadlaan isla markaana arrintani si cad loo qeexo, layaabka ay magacaabista xilkani leedahay waxay tahay lama sheegin ama looma shaacin dadka iyo dalkaba awoodda Chief of Cabinet-ku waxay tahay, ma mid la mid ah awoodda wasiiradda, haddii ay la mid tahay maxaa loo marin waayey ansixinta golaha wakiiladda, ma mid ka hoosaysa haddii ay tahay maxaa loogu qeexi waayey awoodiisa digreetadii lagu magacaabay, waxaad mooda cidda la talinaysa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud inay iska indho tirayso dastuurku ummaddu lahayd ee Mudane Siilaanyo laftigiisu uu shallay dadkii doortay ee hogaanka ka dhigay uu ku beerlaxawsanaayey inuu ilaalin doono isla markaana uu ku dhaliilaayey madaxweynahii isaga ka horeeyey.
Qoraalkaygani ka xiga waxaan ku eegaya shaqaalaha dawladda, wuxuu dastuurka Somaliland ka yidhi, sifaha qofka shaqaale dawladeed ah looga qaadi karo xilka, iyo xuquuqda qofka shaqaalaha ahi uu leeyahay.
Lasoco qaybta 2aad ……………
Source: Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Filed Under: Opinion





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














