Qolo qolo sinaan maaha
Qolo qolo sinaan maaha
Uqushuucid reer weeyi
Qol kale ka badi weeyi
Kaan ahayn qabiilkaaga
Quruskiisa qaad weeyi
Hayeeshee runtoo qeexan
Qarniyadii an soo dhaafnay
Qasid iyo xumaan mooyee
Qurux meelna kuma reebin.
Umada afsomaliga ku hadasha intii nasiibka u yeelatay dhagaysiga ama daawashada xilwareejintii maamulkii Somaliland ee hore uu ku wareejinayey maamulka cusub waxan odhan karaa waxa dhaga hooda ku dhacay si lama filaana dhawaaqyo aan qaarada Africa inteeda badan hore looga aqoon. Xil la kala wareega maamulada Africa intooda badani waa mid ku yimaad, xadhig, ka taqalusid, eryasho khaayimid iyo mustaafurin loo gaysto kolba shaqsiga xukunka lagala wareegayo waana wax caado la qaateen ah ka noqotay qaarada Africa. Hadaba dhegaysashadii qudbadii Mudane madax wayne Rayaale Kaahin ayaa ahayd mid xigmad ma guuraan ah kaga tagtay inta indheer garadka ah. Madax wayne Rayaale hadaladiisii maguuraanka ahaa waxa ka mid ahaa “Shalay waan tartamaynay maantase saaxiibo ayaa nahay, waxan leenahay madax wayne kaliya oo ah na madax waynaha hada la doortay.waana in aan la shaqaynaa oon isdaba taagnaa” Hada la soco waa hogaamiye African ah. Wuxuu sidoo kale Madax waynihii hore Rayaale Kaahin si qiiro ku jirto u qirtay dhibta iyo culayska ay leedahay masuuliyadu isaga ood moodid in uu mar u digayo madax waynaha cusub marna u tabinayo in uu taageero diyaar ula yahay kala qayb qaadashada habsami socodka masuuliyada culus ee uu madax wayne Axmad Maxamed Maxamuud iyo kuxeen kiisu la wareegeen.
Waxan u malaynayaa qudbadii Madax waynahii hore ee Somaliland in ay amakaag iyo fajac ku noqotay qayb ka mida bulshada Somaliland oo filaysey in duqa xilka wareejay iyo koox badan oo ka mid ah saaxiibadii iyaka oo kiishash lacaga sita xadka ka talaabi doonaan iska daa in ay madasha xil wareejinta yimaadaane. Waxayna ahayd qayb ka mida mala awaalka oo inta badan shaqsiyaadka dhinac cakiran wax ka arkaa isku maaweeliyaan balse xilkas nimada iyo isku dulqaadashada bulshada Somaliland ayaa ka markhaati ah ka gudubka carqalado badan oo soo maray umadan. Iyada oon hadaba ku faano xalinta iyo isku tanaasulka arimaha xaas xaasiga ah ayaa hadana markhaati madoon ay tahay in dhamaan cudurka burburka iyo baa ba a u horseeda umada badan oon ka midnahay wali dhaxdeena ku jiro ayna u eeg tahay in aan kobcinteeda si xawliya ugu dhax jirno. Dhamaan bulshada Somaliland waxad ka dhax arki kartaa iyada oon xitaa qarsoonayn in is abaabulka qabiilaysigu noqday rakada loo fuulo dankasta oo shaqsi maamul u ordayaa maro. Tusaale ahaan, wakhtiyadii dagaaladii sokeeye soo afjarmeen oo ahayd bilawgii jirintaanka Somaliland ayay u eekayd in nidaamka siyaasada ku salaysan qabiilku mid hoos u dhac ku yimid iyadoo dadka ay soo gashay ididiilo ah in isku fikir iyo is bahaysi kaduwan dhaqanka somalida siyaasiyiintu wax ku raad sadaan. Midaas jiritaankeedu ma qoto dheeraan waxana badaley abaabulkii golayaasha dawlada oo dib ugu noqday qabiil wax ku qaybin taasna waxay horseeday in inta dib loo noqdo waliba hoos loogu sii dego isticmaal ka wajigan qaldan ee siyaasada Somaliland ku talaabsatay.
Waxan dafiraad lahayn in isticmaalka siyaasada qabiilka ku salaysani jirtay somalida dhexdeeda inta la saadaalin karo jiritaanka somalida balse siyaasigu had iyo jeer ma soo shaac bixin jirin.in uu qabiil udirir qalab dawladeed sita yahay. Ha ahaato munaafaq nimo balse hadana waxay ahayd quruxda siyaasiga in uu isku tuso bulshada shaqsi danta wadanka iyo ta bulsha waynta waxkasta ka hor marinaya. Hadaba doorashoonkii Somaliland ka qabsoomay inta ay wanaag iyo taariikh aan Africa ka dhicin soo bandhigeen waxa iyadna garabsocday in abaqaalka xanuunka ugu wayn ee burburka bulsho sobobi karaa ahaa mid rukun adag dhulka loogu aasay. Waxan jeclahay in aan bulshowaynta Somaliland waydiiyo, ma wadan qabiil iyo kala qaybsanaanta ku xeeran wata ayaan hormood keeda nahay mise wadan ku dhisan hogaanka shaqsi lagu citiqaadiyo, kartida, aqoonta iyo aqliga eebe siiyey?
Aan soo qaato odhaah Somaliya ah na mid aad loo isticmaalo marka dhismaha dowladeed laga hadlayo. (QARAN IYO QABIIL ISMA QAADI KARAAN) Hadii aan dib u eegno ololahii doorashadii dhawaan wadanka ka dhacday, miyayna u eekayn in dhamaan xusbiyadii tartamayey jidee yeen isticmaalka qabiilka iyaka oo halqabsiga ololahooda u badalay QARAN IYO QABIIL WAY IS QAADI KARAAN.Waxa taas markhaati ka ah markaad dib u eegto baaq yadii qayb kamida bulshowaynta Somaliland soo saareen wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyiinka iyakoo dareenkooda muujinaya ayay halqabsi uga dhigi jireen, Anakoo reer hebel ah, anakoo u hadlayna beel waynta reer hebel, anakoo muujinayna dareenka reer hebel, hadaan reer hebel nahay waxan diidanahay iyo wixii la mida. Waxa taas ka sii fool xumayd in hogaamiya yaasha xusbiyadu shaabadayn jireen iyaka oo ka qayb gali jiray ama soo dhawayn jirayba kulanada iyo abaabulka qabiilka ku salaysan waxayna ahayd dhaqan ay xusbiyadu dhamaan ka sinaayeen. Mala odhan karaa hadaba halqabsiga demoqoraadiya ka hirgashay Somaliland waa mid aan wali xidid lahayn ama dimoqoraadiyad faras qabiil fuushan.taas oon magaca dimoqoraadiyadeed lagu dabaqi karin.
Inkasta oo ay jiraan sharciyo ka duwan dimoqoraadiyada oo wadana badan oo aduunka kamidihi isku maamulaan hadana waxa la wada og yahay in marka horowmarka bulsho laga hadlayo ay nidaamka dimoqoraadiyadu tahay mida ugu sahlan in horowmar caafimaad qaba umadi ku gaadho. Waan hubaa in qaar badani igu shaabadayn karaan in aan isku dhiibay fikirka dimoqoraadiyada oo isaga laftiisu nusqaamo badan leh balse waxan ku mormi karaa in ay xanbaarsantahay nidaamka ugu toosan. Dimoqoraadiyada Somaliland matahay hadaba mid sharciyan nidaamka aan dimoqoraadiyada ku salays nayn joojin karta ama madnuuci karta? Maadama oon ognahay in qabiilaysigu aanu hoos iman karin nimaadka dimoqoraadiyada Somaliland ma xakamayn kartaa abaabulka iyo u ololaynta ama baaq yada qabiilaysan. Qaybo badan oo bulshada kamida ayaa codsiyo iyo talooyinba la wadaagay dawlada cusub balse aniga codsigaygu wuxuu noqon lahaa hadii ay gaadho miiska madax waynaha iyo madax wayne ku xigeenkaba Mudanayaal QARAN IYO QABIIL ISMA QAADI KARAAN waxana la idiinka fadhiyaa in aad waxka qabataan wadadan qaloocan balse bulsho waynta la toosan. Hogaamiye daacada waxa lagu xasuustaa wajahaada iyo sixida hawlaha qaldan xitaa hadii ay ka soo horjeedo rabitaanka bulshada. Dimoqoraadiyada Somaliland feedh qaloocan baa ku jirta toosin teeduna way jabin kartaa balse ka saarkeeda feedhaas qaloocan ayaa ka haboon ku jirkeeda. In qabiil lagu ol oleeyo waxan qabaa waxa ka caafimaad badan in intii isku fikir ahi israacdo soona bindhigto wadada ay u marayaan hogaaminta wadanka.Waxan ku soo koobayaa maqaal kan gaaban in ayna taariikhda somalida meelna kaga xardhanayn taaba galka iyo guulka gaadhka fikirada qabiilaysani. Kasokow inta aan saadaalinkarno wakhtigan xaadir ka ah waxa markhaati madoon ah in qabiil u dirirku aanu horrow mar keenin waxana inoo cadaynaysa in hore looga qiilwaayey labadan sadar een kala soo baxay gabay ka mida gabyaagii gabyaagii kartidada badnaa Cabdilaahi Suldaan Timacade (Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iibaane(Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane)) Waa laba sadar oo gaaban balse xigmad aan la soo koobi karin baa ku duugan.
Kayd Askar Diriye
Canada
Filed Under: Opinion





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














