Obama oo ku qaldamay Auschwitz halkii uu ka odhan lahaa Buchenwald – Rayale muxuu Washington. D.C. ka yidhi? 205 halkii uu 2005 ka odhan lahaa?
Hogaamiyaha la filaayo inuu hor kaco xisbiga dimuqraadiga ee Obama ayaa yidhi awoowgay ayaa xoreeyey xeradii Auschwitz oo ku taala Poland ee xisbigii Nasigu ay ku hayeen dadka Yuhuuda iyo Jibsiga iskugu jiray wakhtigii dagaalkii labaad ee aduunku socday ee Hitler uu hogaaminaayey.
Adeerkii Obama muu xorayn Auschwitz laakiin wuxuu ka mid ahaa askartii Maraykanka ee xoraysay xeraadii kale ee la odhan jiray Buchanwald. Adeerkii wuxuu ka mid ahaa askarta tagtey Buchenwald ee Auschwitz maraykanku muu gaadhin oo waxa xoreeyey askarta ruushka ee loo yaqaaney “Red Army”
Hadaba iyadoo afka hogaamiyayaasha sidaas loo eegayo ayaa dalalka Afrikada ama dalalka yaryar ee xitaa wali la ictiraafin ayna ku socon jawi ku dayasho ah oo xitaa waxa fiican lagaga dayan karo sida in qofka ugu aqoonta iyo kartida badan laga dhigto hogaamiye.
Dahir Rayale markii uu yimid wadanka Maraykanka horaantii sanadkan ayaa wuxuu qudbad u jediyey bulsho waynta reer Somaliland ee ku nool Washington, D.C., iyo nawaaxigeeda iyo intii ka iman karaysay dacalada waqooyiga maraykanka.
Hadaladii waxaa ka mid ahaa in Rayale uu rabay inuu yidhaahdo sanadkii 2005 oo uu yidhi “205 – two zero five” halkaas kuma uusan joojine wuxuu hadana halkii uu ka odhan lahaa 2006 uu yidhi “206 – two zero six” laba boqol iyo lix isagoo afka ingiriisida ku sheegaya.
Rayale wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya wakiiladii uu ka dhaxlay dawladii Cigaal oo diidanaa in doorashada baarlamanku qabsoonto. Isagoo Rayale sheegay inay cabsi ka qabeen in dagaal dhaco oo sidaas darteed rabeen in doorashada dib loo dhigo.
Rayale oo yidhi bishii labaad 15keedii 2008:
“Waxaad la socotaan inay sharci pass-gareyeen ah…ay leeyihiin in 5 sano doorasho ayna dalka ka qabsoomi karin; markii…iin..TWO ZERO FIVE-KII (205-kii). Maxkamada “high court-ka” ayaan geeyey. 57 ayaan markaa xisbigayga taageerayaal u ahaa; baarlamanka ayaa markaa jiray. Waan hubay inaan 57 marka danbe helaynin. laakiin ujeedadaydu waxay ahayd doorashadii aan bilownay inaan dhamaystirno. Taasi waxay suurto galisay in maxkamadu ay amar soo saarto oo ay tayda raacdo sidaasna doorashadii baarlamankuna sidaas ku qabsoonto”
Rayale oo hadalkiisa sii wata wuxuu marlabaad qalday sanadka isagoo raba inuu yidhaahdo 2006-kii ayuu yidhi “206″:
Waxaan xasuustaa barigii hore Ethiopia iyo Djibouti baan inta badan ku noqnoqon jirnay. TWO ZERO SIX-KII (206-kii) ayaa ninkan [nin ag fadhiyey ayuu sheegaayey] iyo nin la yidhaahdo cawil oo dhaawac uu gaadhay oo wasiiradayda ka mid ah ayaan nidhi…waar labadaa meesha ay joogaan waan ogaanee; ma’isku daynaa Afrikada kale inaan socdaal ugu baxno si aan u ogaano -maba ogine Afrikaanku inuu ina ogolaanayo iyo in kale. Bal albaabada kale ma garaacnaa?
Hadana warbaahinta dalku inta aan ka war qabno ma qaban labadan kalmadood ee wax u dhimaya aqoonta madaxwaynaha inkastoo uu sheegaayo warbixin muhiim ah. Waxa madaxayagu qaadi kari waayey sida codka dheer ah ee uu si khaldan ugu dhawaaqayo waxyaabaha ugu fudud ee afafka qalaad laga barto oo tiradu ay ka mid tahay oo uu hadana qalday laba jeer.
Anagoo si aad ah u dhegaysanaynay warbixintiisa ayaa aad uga naxay sida ay u tahay sahal in qofka hogaaminaya dalalka laga tagay ee aan ka dhalanay uu noqon karo qof aan sanadka xitaa sixi karin.
Waa ibnu aadan oo wuu qaldami karaa laakiin marka aan Rayale ka hadlayno waan ognahay aqoontiiisa maadigu inta ay gaadhsiisan tahay. Sidaasi darteed waxa u haboonayd inuu iska dhawro qalado noocaas oo kale ah waayo waa hormoodkii maanta ee qaranka.
Arintan qaladka Obama iyo qaladka Rayale ayaa ina tusaysa kala duwanaanshaha aduunyada iyo dalalka aan ku dhaqano. Rajada aan ka qabno in aan mar’uun aragno dalkii hooyo oo aqoonyahan horkacaayo ayaa sii yaraanaysa.
Arintani waa baraarujin dhamaan dadka u kuur gala siyaasadu inay maanka ku hayaan in maanta ay haboon tahay in dhinaca aqoonta loo jeesto oo qofkastaa uu ku dadaalo sidii uu marka koowaad naftiisa meel uga soo saari lahaa kadibna bulshada oo isku duuban oo aan rajaynayno marka hadhaagii Siyad Bare iyo kuwa qabiilka wax ku raadsadaa ay tagaan si kaalin muhiin ah shacabka loogu qabto.
Waxa shacabka Somaliland haysata nasiib daro wayn oo sharaftoodii meel laga dhacay. Dhawr gobol oo been ah oo la magacaabay ayaa dadka qaar ka dooranayaan in wax loo qabto. Waxay dadku ku farxayaan in xafiis loo magacaabo nin ay abtirsiin wadaagaan halkii ay ka codsan lahaayeen horumar.
Dhaqanka siyaasada ayaa ah mid aad u fool xun. Mucaaridku kama hor iman karaan tusaale ahaan goboladan Rayaale iska magacaabay waayo waa siyaasad uu Rayale ku rabo in lagu soo doorto oo haddi mucaaridku ka hadlo ay keenayso in shacabkan masaakiinta ahi ay ka horyimaadaan macaaridka.
Su’aashu waxay tahay ayaa u maqan shacabkan masaakiinta ah ee sida joogtada ah loo dulmayo. Xitaa wararka naga soo gaadhaya dalkii ayaa sheegaya in mudo kordhinta Rayale ay ku jirtay lacag loo qaybiyey wakiilo ama oday dhaqameedyo shacabku ay ka filaayeen inay dantooda ka shaqeeyaan. Arintan oo haddii aan si buuxda aan u cadyno soo gudbin doono lacagta iyo magacyada dadka lacagtan gudoomay.
Mustaqbalka dhow malaga yaabaa in Somaliland aan aragno oo uu horkacaayo aqoonyahan ama qof khaladkiisa garwaaqsada oo og halka uu gaadhsiisan yahay? In madaxwaynaha ama qofka siyaasada horkacaaya si toos ah loo abaaro waxa ka qaldan iyadoon laga gabanayn. Doorashada dhow ayaan filaynaa in ay kala cadaato shacabka Somaliland iyo sida ay u damqanayaan.
Obama waa shakhsi aad u aqoon badan laakiin waxaan usoo qaatay sida looga warqabo ee afkiisa loo eegayo iyo waxa laga filaayo. Hadalka uu ku hadlay runta sidaas ugamuu fogayn laba jeerna kumuusan celin.
Halkan ka dhegayso hadalkii Obama
Saylicipress
Filed Under: Badheedhaha





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















Maanta mawaxkalaad wayday, caydii baa maanta halmaan aad u soo qadatay>