Shanta shay ee Dahir Rayale lagu xusuusan doono iyo astaamaha lagu canbaarayn doono

Doorashadii ayaa kusoo beegan bisha sadexaad sanadka fooda inagu soo haya ee 2009; Waxaad moodaa in dadku is dhigtay. Kadib markii falal argagixiso loo gaystay caasimada Hargeysa. Hadaba marka doorashada la gaadho ayey dad badani aaminsan yihiin in Dahir Rayale aayar xamaantiisa urursan oo uu Sharjah ama Qaahira u guuri dalalka uu hantida ka iibsaday ama caruurtiisu ku nool yihiin sida warar badani cadeeyeen.

Rayale and Huda

Dahir Rayale iyo Huda Barkhad

Waxa wararku sheegayaan in Dahir Rayale durba ku hawlan yahay wakhti kordhin uu ku salaynaayo falalka argagixiso iyo in doorashadu wakhtigeedii aanay qabsoomayn.

Marka laga yimaado doorashada iyo inay qabsoomayso ama in Dahir aayar dadka u banayn kursiga. Shacabka waxa u banaan inay ogaadaan in is abaabulkii iyo lacag ururintii doorashadu si buuxda u bilaabantay. Waajibka qof kasta oo reer Somaliland ah saaran in dalka la badbaadiyo waa mid muqadas ah ayey sheegeen guud ahaan jaaliyadaha dibadu. Waxa nasoo gaadhsiiyey fariintaa madaxa maaliyada iyo isku duba ridka doorashada ee qurbaha Maxamed Cali isagoo jooga magaalada Durham, NC ee cariga Maraykanka.

Hadaba waa maxay shanta shay ee Dahir Rayale lagu xasuusanayo?

1-Gobolo iska magacowga
2-Hanti urursi
3-Hargeysa ku xidhnaansho
4-Dhoof faro badan oo aan midho keenin
5-Iyo inuu dalka oo dhan cunoqabatayn saaray

Shantan shay oo ku kooban wajiga maanta muuqda kaliya ayaa ka mid ah “list” dheer oo Dahir Rayale mucaarid iyo muxaafidba lagu xusuusan doono. shantan shay ma’aha ceebayn madaxwaynaha loo gaysanaayo laakiin waa digniin looga digaayo kuwa ka danbeeya inay talaabadiisa raacin.

Shanta shay ka dib: Astaamaha Dahir Rayale lagu garan doono ee loo baahan yahay in shacabku uusan dooran qof Dahir ay aywadaagaan waa sidan hoos ku xusan:

Sidii mararbadan ay akhristayaasha SayliciPress cadeeyeen; Dahir Rayale hadii hooyo maqaaxi furanayso waxa loosoo waydiiyaa ogolaansho inay furato iyo in kale. Hadii hargaha beeralaydu rabto inay suuqa keento waa in Dahir Rayale lasoo waydiiyaa. Hadii beer la’isku haysto waa in Dahir loo diraa caaqil mushaaro ka qaata si loo xaliyo arinta jagada. Arimahan aadka u hooseeya iyo sida Dahir dhulka isku dhigay ayaa canbaarayn mudan.

Sidaasi darteed shacabka waxa la gudboon inay indhaha furaan oo ay ka koraan qori dab ah iskugu dhiibka xukuumada sii dhacaysa iyo daawashada ay daawanayaan waji xumada maamulka ka muuqda.

Dhaliyarada qurbaha qaar ka mid ah ayaa marka ay “class roomka” fadhiyaan ayaa waxa wax laga waydiiyaa sobobta keentay budhcad badeeda xeebaha dal waynihii hore ee Somaliya. Ardayda wadamada galbeedka u dhashay badankoodu Somaliland iyo Somaliya nasiib daro isku hal wadan ayey u arkaan markaa ardayda reer Somaliland waxay sheegeen in arintani waji gabax ku noqotay; dal aanad dhabtii waxba ka qaban karayn aanadna shaqo ku lahayn hadana magacxumadiisa kulasii degaya.

Laakiin si kastaba ha’ahaatee dhaliyaradaasi waxay SayliciPress soo gaadhsiiyeen: Sidaan uga xishoono in Somaliya ay tahay dalka kaliya ee aan dawlad lahayn aduun waynaha ayaan gaadhnay in reer Somaliland gudahooda aan ka xishoono in Dahir Rayale yahay madaxwayne horkacaya umad hiigsanaysa rajo qoto dheer.

Shacabka reer Somaliland waxa hortaala fursad qaali ah. Warbaahinta iyo in danta guud la ogaado ayaa muhiim ah. Khilaaf wuu jiraa hadana “Doqoni meel lagu xafiiltamayo in lagu kala tegay ayey moodaa!”

Isbadal ayaa ah in laabta lagu hayo. Talo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo ayeyna noqon labada midna.

SayliciPress waxaad ugu soo hagaagtaan in isbadal iyo umad caafimaad qabta inaan dadka ku waaniyo in laga abuuro Somaliland.

SayliciPress.net – Badheedhaha

Filed Under: Badheedhaha

Tags: , ,

Comments (2)

Trackback URL | Comments RSS Feed

  1. boorama says:

    subxaana laah waar illaahay ka boqa oo iska daaya waxan aad dadka usoo qoraysaan reer saylici waad iimaan beesheen saylici talo ma helaayo ee waxan aad soo qoraysaan ka daaya umada reer soomaliland meel walba ma daahir uun baad ku qoraysaan miyaydaan illaahay ka boqayn ?

  2. ABDIYARE says:

    WAXAA AAD U WANAAGSAN CINWAANKA AAD TILMAANTEY WAXAASE KA MAQNA IS BARBAR DHIG IYO QIIMAYNTA SAXDA AH EE WANAAG IYO XUMO LABADA INAAD IS BARBAR DHIGTO ADIGOO QOFKA WANAAGIISA SHEEGAYA OO AAN BAKAYLNIMO IYO NACAYB KA FOG WIXII UU XUMO LAHAANA SHEEGAYA SI KUWA DAMBE LOOGA DIGO BALSE WAXAAN AAMINSANAHAY IN QORAALKA ALLE IYO DOORASHADA CIDDA KURSIGA MIISAANKA LEH LA SIINAYAA AY TAHAY MID XAGIISA KA TIMAAD NIN JECEL IYO MID NECEB LABADABA !!

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.