Xubno Ka Tirsan Qoyskii Lahaa Dhismihii Ciidanka Amniga Boorama Burburiyeen Dhismihii Maxkamada Agteeda Oo Cabasho Ka Muujiyey Sidii Loola Dhaqmay Loona Diiday Sharcigii Ay Dhulkaa U Haysteen
Borama-(Lug)-Qaar ka mid ah qoyskii iska lahaa dhismihii ciidanka amniga Boorama hawlgalada ku burburiyeen toddobaadkan ayaa cabasho ka muujiyey sida ay u dhacday in dhulkoodaasi la baabiiyo kuwa kalena loogu fasaxay dadkii iska lahaa ee dhistay deyrka maxkamadda lafteeda.
Ma Garanaynno sobobta Dhismahayaga Loo Diiday, Kuwa Kalena Loogu Fasaxay Inay Maxkamadda Dhistaan: Samotalis
Shir jaraa’id oo ay maanta Boorama ku qabteen qaar ka mid ah wiilasha ka hadhay qoyskii ka hadhay Cabdilaahi Cilmi,magaciisana la yidhaa Samatalis C/laahi Cilmi ayaa sheegay in dhulkaasi ku dhaw deyrka maxkamadda gobolka la siiyey muddo haatan laga joogo labaatan sannadood isla markaana loogu beddelay dhul hore loogaga murmay oo u yaala magaalada Boorama gaar ahaanna saldhigga Boliska sidaa darteedna ay xaq u lahaayeen inay dhistaan ama iibsadaan samatalis C/laahi Cilmi oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi ;
“waxaan la yaabanahay sida arxan darada leh ee sharciga dalka ka baxsan ee taliyaha Booliska G/Awdal Cabdilaahi Sh.Ibraahim nooga horjoogsaday dhismaha jagadayada ciidanka Boolisku beryahan shaqada ka dhigteen dawladihii ka horreeyey Soomaaliland iyo Soomaaliland lafteeduba siiyeen hooyaday Marxuumada Siraad Celi .
Dhulkaasi maaha maxkamadda dhexdeeda, kuma dhegsena deyrka maxkamadda balse waa dhul ka baxsan. Waxase wax lala yaabo oo kala ah sida dad dhistay deyrkii maxkamadda lafteeda loogu oggolaaday, Annagana naloogu diiday. Dhulkaasi waxa naloogu beddelay dhul kale oo aan Boorama ku lahayn, balse muran awgeed loo siiyey ciddii nagu qabsatay waxana arrintaa dhulkaasi lug ku lahaa ama la socdayba ,isla markaana qoraal noogu siiyey Wasaaradda Caddaladda Wasiirkeeda,Wasiirka Daakhiliga ,Badhsaabka Gobolka ,Iyo Maamulka Dawlada Hoose ,Iyo Laamaha Sharcufulinta Ee Soomaaliland. Qoraaladoodiina waa kuwaa (isagoo wiilkaasi soo bandhigay fayl ay ku jiraan qoraalada madaxdaasi , saxeexoodiiba ka muuqdo). dhawr jeer ayaana isku daynay inaan dhisanno cidina naguma haysan balse xanuunkii waalidiintayo lasoo dersay ayaa noo suurtagelinweyday inaa dhisanno , maantoo aan fursad u hellayna waxa na gaadhay waa la arkaa. Rasaasbaa nala huwiyey, khasaare maaliyadeed oo shanboqol oo doolar ah oo qalab dhisme iyo sibidh ah ayaa nalaga burburiyey. madaxdii warqadaha na siisay siyaalo ka duwan ayey u hadlayaan, gaar ahaan badhasaabka gobolka oo fulin waayey saxeexii qoraalkiisa. guud ahaanna arrimaha dhulkaasi waxa mashruuc ka dhiganaya Booliska oo aan haysan sharciyad ay ku joojiyaan. waxase wax lala yaabo ah maxay dawladda Hoose nagaga qaadday boqolaallkun oo shilin Soomaaliland ah oo cashuur iyo fasax dhisme oo aan soconayn, tallabooyinka ciidanka amniga naga qaadayna hadda ka hor Boorama iyo Awdal kama dhicin, waana caddaalad darro iyo dawlad la’aan, maadaama la qaadan waayey amarkii wasiirada iyo badhasaabka. Waxan mar kale xukuumadda sare, madaxweynahaoo dhulkaasi ogaa iyo madaxda golayaasha qarankaba ka codsanaynaa in naloola dhaqmo sida muwaadiniinta kale loola dhaqmo, dhulkaasina naloogu ogolaado inaan dhisanno ama iibsanno, Annagoo agoon ah, cid kale oo noosoo ridaysa dhulkayagaasina aan haysan, taliyaha booliskana loo sheego inuu arrinta dhulkaa ka daayo xasaasiyadda iyo kicinta, maadaama sees guri oo la baabiiyo uu kaayagu ugu horreeyo”
Maxamed Cumar Sh. (Hyane)
Source: Lughayanews-Borama
Filed Under: News






Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















08/6/09
Ascwr
Waa war naxdin badan gaar ahaan aniga maadaama ninkani yahay saaxiibkay.yaa sheegan kara Boorama oon garanayn Samatalis iyo
Samaroon ama hooyadood Siraad celi ,waa murugo aada in labadan
wiil ay boorama ku dareemaan cunsuriyad iyo qaraabo la,aan ,sidaan-
hadalkiisa ka dareemayno waana macquul waayo Gurigii ugu horeeyay
ee Saykiisa la dumiyo isagoo sharcigiisa wax kasta udhan yihiin.
in kastoo Boorama ahayn Booramadii hore hadana yaa odhan kara
Anagu dad fiican baan nahay. Cafis haddaa gafay cadho daraadeed.
ASCWR
[...] Read the rest of this entry ? [...]
ninka maalkaaga iyo maxastaada kuugu yimid mujaahid dagaalan