Doorashadan aan Weysadu u Dhawrneyn,Weydeynta Riyaale ee Xukunkii B…
Afar xaalo oo toddobaadkan ku soo biirey saaxadda Siyaasadda Somaliland,waxay tilmaamayaan mugdi ku xoomman qabashada Doorashada la filayo inay dhacdo Sept. 27da,2009. Inkasta oo maamulka Somaliland bixiyey 25%kii kaga so aadey kharashka Doorashooyinka dhawr casho uun ka hor markey ku soo hungowdey xeelad ay ku deydey Deeq-bixiyeyaasha in laga dhaafo oo laga bixiyo lacagtaasi!! haddana waxay faraqa dib u jiideysaa, shuruudihii ay Deeq-bixiyeyaashu ku xidheen Doorasho xor ah oo xalaal ah, kuwaas oo ay ugu muddakar saneyd, In ay keenaan Khubaro Doorashooyinka ku xeel dheer oo Dawli ah, kana garniqi kara haddii uu khilaaf yimaaddo., qodobkan oo aan sinaba u maqnaan karin, waayo Garsoorka Dalkanu , Madaxtooyada ayuu u afduuban yahay, waana Dastuur jebin aan Geedna loogu soo gabban in Maxkamaddii Sare ee aan appealka lahayn , Maamul ahaan la hoos geeyo Madaxtooyada!! laguna kalsoonaan karin. Shurudahan oo labada xisbi ee kaleba saxeexeen.
Arrinta laabna waxa weeye, shaqaaqadii ka dhacdey Deegaanka Bardaale oo dhimasho iyo dhaawacba lahayd, oo hore ay afar Xukun ugu dhaceen beesha xukunkan shanaad ee Guddigii Guurtidu u saartey ku xukumeen oo diiddey xukunkii, xajiimeysey Guurtidii, xukunkiina ku sheegtey mid ay beel iyo Seeddiyadood iska xukunteen!! Guurtidu weedh adag ayey xukunka u raacisay Madaxtooyada fulinta xukunkaa uu ka hawlgalo, isna wuu weydeeyey uoo waxa laga soo sheegey in uu yidhi, “Madaxweyne ku xigeenka ayaan u xuilsaarey!!”
Haddii ay sidanu jirto, Madaxweyne Riyaale waxa uu si dadban u garab joogsadey Suldanka ay isku beesha yihiin ee xukunku ku dhacay, si uu haddana u yidhaahdio eel ayaa wax iska xukumatey. Kan ugu dambeeyey haddii aynu kaba deynno, Afartaa horena ma ayeeyooyinkood, Awowyaal iyo Adeero ayaa xukumey. Waxa xusid mudan in Beeshii xukunku u dhacay shanta jeer ee ilaa intaa loo fulin waayey ay maanta idaacadaha kaga baaqdey in haddii uu Madaxweynuhu Degdeg u fulin waayo xukunkan aany dib dambe cid kale u sugi doonin inay xaqooda hantiyaan!! -Dhawdhawduna cadduur uma dhacsana-!!
Arrinta saddexaad waxa weeye, shaqaaqo dorrad nin la sheegey in Hargeysa uu ka yimid oo koox yar oo calooshood u shaqeysteyaal ah soo kaxaystey oo xeeladdii lubnaaneynta Burco ee khadadka Cagaaran iyo cas loogu kala sameeyey labada talis-qaybeedyo Bari iyo Galbeedka iyaga oo ka duulaya ay isjku dayeen in ay sayladdii xoolaha ee ka wada dhexeysa ummadda ay beesha ay xuduuddeeda ku taallo uga gaar dhigaan, Gacan ka hadalna gaadhey. Arrintan oo odey dhaqameedyada beelaha wada degaa isku mar si keliya u wada arkeen , isla markiibana xaalad abuurkan demiyeen. Waxa Alle Mahaddii ah in ay Bulshadu maanta si qoto leh wax u fahamtey, meelna uga soo wada jeedaan, kala qaybinta iyo iska horkeenka lagula dhexjiro!! Hadaf isku mid ahna leh.
Mas’uuliinta Maamulkan oo Riyaale jaceyl aan ula socon ee Musharkooda ay qaataan Adoon u ah oo Cabsi ay ka qabaan in xilka laga qaado , maskaaxda looga haysto ay wax kasta oo qalad ah iyaga oo arka aanay awood iyo ragannimo ay ku hor istaagaan aanay lahayn, waana shuruucda iyo Dastuurka darbiga laga laaley, waxa baqdintan geliyey, waxayse illowsan yihiin in haddii qofka mu’minka ahi , Makhluuq ka baqdo, ku sallido ilaahay waxa uu ka khashaafi jirey ama iskala weynaa oo god yar biyo ugu shuba!! Shaleyba Mas’uuliin Dalka u dhashey ayaa lagu burburiyey Dalkooda iyada oo lagu cabsiinayo Xil ka qaadis iyo Dilba. Mas’uuliintanu ha ogaato in aanu Alle Saddex shey oo aan laga noolaan karin, Makhluuqba u dhiibin . cid awood u leh inay wax ka beddeshona jirin!! Hawada, Ilbidhiqsiyo kama noolaan karro, Mareykan iyo Ruush bal ha joojiyaan!! Biyaha kama noolaan karro, Faqash markey Ceelasha iyo Biyo Xidheennada inoo Fadhiisatey, Dadkeygu Illow dhawaa , sowtii uu boqorka aan cidina talada la wadaagin innagu waraabiyey , Goobihii aynu ku sugneyn, deeqdiisa aan cid kale oo wax ka beddeli kartaa aanay jirin!! Midda saddexaad waa risiqa.Albaabka haddii aad qanac iyo meel aad ku kallahdo garan weydo u xidhato, Risiqaagu wuu kugu garaacay oo cid uu Alle kuu soo direy ayuunbaad ka seexan kari-waayi oo ku toosin!!
Marka aynu haddaba sooyaalka Maamulkan eegno, Muquuniska iyo cunfiga ay Madaxweynaha iyo Wasiirradiisa sharku ku soo hawlanaayeen, haddii ay tahay inqilabkii Ururkii Shuuro-net ee qasabka lagaga wareejiyey hantidoodii iyo Ururkii xuquuqal Insaanka , kuwo mmmmMaamulku wateyna lagu beddelay, si runtu been u noqoto, beentuna run u noqoto, eggno xadhigii Siyaasiga ahaa, Dastuu jebinta iyo ku tumashada xuquuqda asaasiga ee Dastuurku siinayo Muwaadinka in la dooran karo , waxna uu dooran karo loogu xidhey madaxdii Ururka Siyaasiga ee Qaran, waa Dr. Gabboose, Eng. Moxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid, dhuganno Inqilaabkii Guddigii hore ee Doorashooyinka waayo aragga ahaa, soona qabtey labada doorasho ee hore, weliba maalinta jimcaha ah ee aan Dawladduba shaqeyn, milicsanno xadhiggii daalimka ahaa ee jeelka gudihii lagu xukumey wax ka duwan wixii laysku hayey ee Maragga, Nootaayooyinka sharciga ah iyo waraaqaha iibkaba lahaa, Madaxda wargeyska Haatuf ee Mr.
Youusuf Gaboobe, Cali Diini iyo Weriye Maxamed Cumar sheikh, si loo cabbudhiyo Saxaafadda oo aan xaqiiqada laba sheegin, Marka loo geeyo xaaladahan Saddexda ah ee ku soo biirey saaxadda, bal aan xalkeeda u dhaafo Bulshada qaaliga ah ee somaliland.
Maanta maaha , maxaa hebel u dan ah , ee waxa weeye badbaado Dal iyo Dadba!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed.
Filed Under: Opinion





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















horta website-ka kan waxan iyo nimanka walaalahay ee ka masuul ah walaalayaal ha u ogalaanina cid walba in ay waxay doonto halkan kusoo qorto ee wixii wanaagu ku jiro cidii la timaada uun u ogolaada sidaasay wanaaga iyo sharaftuba ku jiraan waana sida keli ah eed ku kasban kartiin kalsoonida akhristayaashiina, mida kale waxan la yaabay oon la yaabay ninka waxan soo qoray ee weliba Dr-ka sheeganaya waxay ahayd inuu qabyaalada iyo xiisaha ay leedahay inuu ka fogaado oo uu isku soo dhawaynta dadka uu ka shaqeeyo dawladan uu ku dhiirri gelinayo inay fuliso gaa’aamadii (ina diiriye) ee uu beeshiisa ku tagaarayey aragtida ay qabaan.
Waxaan marka hore salaan mudan bahda websiteka Saylicipress.net marka xiga waxaan idiin sheegayaa oo aan idinku dardaarayaa inaydaan sida websiteyada qaarkood oo loo furtay bahdilaada tolkoodi iyo wax aan inoo lahayn faaiido inay ka sheekeeyaan oo ay shaashada soo dhigaan sida ninka abwaanka isku sheega oo markasta kaga sheekeeya oo soo dhiga saylac.com wax aan soconaynin oo uu ku bahdilaayo tolkii sida reernuurka oo kolba qoraal ihaanaysan uu soo dhigayaa shaashadihiisa oo maxaa ka galay Dila iyo wajaale waxa uu kaga hadlaayo miyuu ka sheekeeyo Ethiopia iyo lafaciise meehsa uu u dhashay oo ah lafa ciise waligii kamahadlowaxkasta oo ka shaca markaa waxaan idin odhanlaha waa in aydaan waxii aan dan inoo ahayn aydaan aad ka iska jirtaan oo aydaan soo dhigin shaashadaha waayo arinta ceelbardaale ninkii soo qaada waa noo calaamadaysanyahay waayo waa dhulka yagii oo la rabo in lanaga raro sidii lanooga raray sanadadii lixdameeyadii waanad mahadsantihiin