Yaa u Xilsaaran Afartii Reer Adal ee Isku Yimaada Inay Kala Firdhiso?
Waxaan salaamayaa dhamaan beelaha reer Galbeed ee samaroon [Gabiley+ Awdal+ Selel=ADAL] meel kasta oo aay joogaanba gudaha iyo dibadaba. Salaan kadib waxaa iswaydiin mudan shirkasta oo aay beesha samaroon yeelato inla fashiliyaa ma waajib diini ah baa ? yaa uxilsaaran afarta wiil ee samaroonka kulan samaysata ee ka tashata dantooda inay fashiliso ?
sida aynu wada ognahay aduunyada xanuun majiro ilaa hadii uujiro dawo ayuu leeyahay marka aad eegto beesha samaroon waxaad orankartaa xanuunka hayaa dawo malaha mise meesha waxaa kujira dad aan dhiig iyo dhaqan wadaagin oo cadawad soojireenahi ayka dhaxayso waa ayo cida inagu dhexjirta ee kutaagan in bulshadu katashato ayaheega
Qayrkii ka hare waa ninkii qalay walaalkiiye!
qayrkii kahare waaninkii qalay walaakii shaqsigu waxuu horumar gaadhaa marka uukaashado walaakii ee uu ka helo garab iyo tageero walaalka marka aad tageerto ee aad badhi gantaasho ee uu geedka koro waxaa lagayaba inuu adigana gacanta kuu soo raariciyo si aad dusha ugu baxdo lakiin walaalka marka uugeed korayo hadii aad lugta jiido ogow inaad dhulka wada jiifaysan somalidu waxay tiraah karisxun iyadna waxkula
waxaad ogaataan sharafta iyo karaamada beesha samaroon waxay kujirtaa inla istageero oo la iskubiiriyo fikir tolo muruq iyo maalba ogaada intaad inigu islug jiidaysaan ee ninba ninka kahoreeya suuldarayo waxaydun ahaanaysaan malooli mananasto maqashana waxkumalaha waar hala is indho buuxiyo tolkoow ilaah dhulka meeshii ugu manaafacaadka roonayd buu indhigay oo manta meesha ilaah beesha samaroon uu kaga beeray dhulka geeska afirica bari waa meesha ugu manafacaad roon ee ugu istaratijisan.
Adal waa dhuldihino ilaah dahabku mansheeyay
dadkeeda marmayee nicma daadsan ooqubane
kala daadsanaanta dhibee duubni waa hodane
dir kii sheeshu waa gaasireen doorki adamiye
dawladahi nasoomarayna waynagu dulseexdeene
doorkii lasoomaray hadaan dibu xasuus eego
tariikhda duuga ah hadaan dacal humaag eego
ingiriisku dagaal kaanla galay daacuf luhu yaabye
diir madoobe wuuyabana malintaan diraye
daalinkii siyaad noo ma tolin dabaqa geeskiise
dariiqyadii lajeexiyo waxii daaro lagareebay
warshadaha dangiigiyo waxii dahab lashiilayay
dayraan ka noqonoo mahelin duhur dharareede
dadka eebehay caqliga deeqada ugu siiyay
waa inay dantoodiyo gartaan doorki nololeede
inagoo dir kii sheekha oo wadaba doodayna
dantaguud samaan bayrabtaa laysla wada doono
dube dhagax majabiyeen hadaan muruq ladoonayne
hogaan doonta waad dabamarteen duulashii kale
iskuduubnidana muujiyoo cudurka daweeya
by Farhan Adan Warasme
adwarsam1@yahoo.com
swiss
Filed Under: Opinion





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















11/7/09
ASCW
Salaan Qaaliya Saylicipres,reer Adal,iyo dhamaan akhristayaasha.
Wallaalkay farxaanaw waxaad ilawday in Qabyaalad lagu heshiin-
karin guul iyo wanaag lagu gaadhi karin,Farxaan waligaa ma aragtay
qolo kuwalaalawday Qabiil?horumar iyo wanaagna ku gaadhay?
Qabyaalad haddaad (B)tidhaahdo waxay soconaysaa ilaa(Z)
Farxaan hadaad eegto Soomaaliya ama Soomaalidoo dhan maanta,
waxaa laga yaabaa inaad ugu fiican tahay ama xaga hore ku jirto,
Farxaanaw Illaahay ku Xamdi.
Ogow doodaynu waxay leedahay dalliil Islaamiya.
Illaahay ha la jiro ADAL. caf iyo musaamax. ASCWR.