Kumay Dani Ugu Jirtaa Isku Duubnida Reer Adal

Muddo badan gobolkan awdal waxa uu ahaa mid dadka wada degan aanay marnaba xal u helin siyaasada hogaaminta gobolka iyo hab-la dhaqanka qabiilada la degan ama kuwa ay jaarka yihiin iyo guud ahaanba kaladanbaynta xaga siyaasada toona.

Samaroonka qaar waxay aaminsan yihiin dagaal  in uu xalku kujiro iyo adkaynta  samaroonimada oo muqadas laga dhigo,qaarkale hunguri iyo maalinba meesha wax yaalaan maalintay adkaatana yaa samaroonaay,kuwa kalena labadaas ayay ku dhexdaaleen oo waa dhana ma jiraan.dhibka jiraa waxa uu yahay samaroonku maaha dad isku cadeeya waxa ay kala tabanayaan ama wada hadal ku dhamaysta  xurgufta dhextaal marwalba .waxaanad moodaa inay ku heshiiyeen siyaasad ah nimba meeshii ka dirir.inkasta oo anay dagaalo badan aanay wadagalin dhexdooda ,nacayb sidaa u sii durugsana aanu dhex ool hadana waxaa jirey dhowr dagaal  oo aan mudo badan socon ,natiijadiina iskood isku taagay.

dagaalada samaroon galay waxaa ugu balaadhnaa  sida taariikhdu xustay dagaal ay wada galeen  bahabarceli iyo makaahiil oo dhan qarnigii 17aad dagalkaas oo ku salays naa gacan ku haynta ceelasha laga cabo iyo daaqa oo bahabarceli ku-amar ku taaglayn jirtey.dagalkii bahabarcabdalle iyo makayl dheere oo la lagu qiyaaso inay ku dhinteen 150 qof labada dhinac . 1984 dagalkii maxamedcase iyo makaahiil ee ka bilaamay dugsiga sheekh cali johar oo ismidiyayn iyo dhaawacyo u gaystay dad badan .1991 xeebjire iyo jibriil yoonis  oo ku dhexmaray  degmada jirjir iyo boorama sobobtuna ahayd beero ku yaal isla goobtaas . kii bahabar aadan iyo  makaahiil ee ka dhacay dooxada dhamuug ee kusalaysnaa gacanku haynta dhamuug.  dagalkii musa fiin iyo jibriil yoonis ee 1994  kudhemaray boorama dagaalkaas oo uu hogaaminayaaya cabdiraxmaan awcali iyo xaga kalena odey white horse. dagaalkii beeraha baki ee ku dhexmaray reer nuur iyo cali ganuun.midkii reer nuur iyo reer maxamad ee jagooyinka  boorama iyo qoorgaab.dhamaanba dagaaladaas ma ahayn dagaalo lagu lagu kala adkaaday  ama qabiilo laga riixay meeshii ay deganaayeeen mana ahayn mid siyaasadi ka dambayso mana ahayn mid qolo ku soo dhacsatay xoolo iyo dhul ka maqnaa. hada waxaad moodaa inay soo cusboonaadeeen dagaalo afka ah oo ka dhex socda beelaha gadabuursi taasna ay isku rogi karto dagalo sokeeye oo lagu riiqdo . waxaan ka digaynaa in lagu dhaco dagaalada qabyaaladaysan oo dad iyo duunyaba galaafta .

 

Yaasin M. Geele

 Saylicipress

 Holland

Filed Under: Report

Comments (3)

Trackback URL | Comments RSS Feed

  1. yarka wax qoraw says:

    maxa xuma waxa aad qortay laakin waxan isweydiinayay sababta aad u soo qortay ee ka danbaysa tani maxad rabta dagaalo halis ah in ay ka dhacaan mise dadka ayaad tariikhda si kale u galinaysa …waxa weeyi dadka aad is barbardhigtay ee wey islaayeen aad leedahayna ismama leh
    makaahiil iyo bahabarceli ,wala xeeb jire iyo jibriil yonis ,wala waxana dhagaal uuna dhexmarin makaahil iyo mahadcase oo u dhan dhinac kaste ee fidnada dadka kala dhex fadhiiso ,kula ree nuur iy cali ganuun iyo musa fin iyo jibril yonis ,,,anigu horta waxan ku odhan laha qaabka ad wax u soo qortay lafteeda ayaa cunsuriyadi ku jirta ,,marka waxba nin tariikh amba dagaalo hore ka hadlaya ha iska dhigin inta aad is barbardhigaysa beelo dhan iyo jilib oo wey islayeen aad leedhahay ..waan loo wada joogay waxan aad akhriyayso waana la ogyahay cidi islaysay iyo natiijadi marka hadal qoridiisa ha ku saxan ayaan ku odhan laha

  2. cumar says:

    Wallaalkani waxa uuna kala garaneyn dagaalka iyo dhibaatooyinka yeryer ee umadaha Somalida ka dhexdhaca taana ay Samaronku lawadaagaan umadaha kale. Aanku soxo waxani dagaal maaheyne wuxu ahaa sidan: Dugsiga sheekcali jowhar laba dhalinyaro ayaa isdagaaley sida bani’aadankuba isku dagaalo dabadeedna waa la xaliyey. Kan Borama laba nin oo abtisku ah ayaa isdiley kii waxdileyna waa ladiley wuxuna ahaa Musa fiin iyo Axamed Yonis. Kan jirjirna beeraleybuu ahaa. Kan aadku sheegtey Bahaber celi iyo Makaahiile soo cadee. Laga yabaa inuu ahaa Labka tirsan Yoonis Cimaan iyo bahabercali haduu yireyba. Dagaalka kaliya ee dhacey wuxu ahaa Makeydhere iyo Baharcabdale. Habayaraatee dagaal Makaahiil oo dhani qaadeyma jiro mid Maxamed Case oodhani qaadeyna ma jiro.

  3. mohamed says:

    horta waad salamayntay waa naad dadaashay sida aad uu soo ururisay taariikhdaan aanay wax ka jiraa jirin mahamedcase iyo makahiil is layay majiraan eee waxan aad qortay intaan cidkale akhrisan oo aanay run moodin meesha ka masax, sdiaa aya khayrku kuugu jiraa oo kaga sharaf badan ama holland joog ama awdal iyo salal.

    Mohamed

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.