Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland/Somalia iyo Ujeedada Socdaalkiisa
Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland/Somalia James Swan, ayaa socdaal ku yimid dalka, waxaanu sheegay inuu xukuumadda Somaliland kala hadlayo xaalada guud ee mandaqada ee dhinaycada nabadgelyada iyo horumarkaba.
Safiirku wuxuu sheegay inay dawlada Maraykanku wada shaqayn iyo xidhiidh shan iyo toban jir ah ay la leeyihiin Somaliland, waxaanu xusay inay ku faraxsan yihiin horumarka, nabad-gelyada iyo dimuqraadiyada ka jirta Somaliland.
Mr.James Swan waxa uu sheegay inuu Maraykanku sii wadayo xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland ee dhinacyada kala duwan leh.
Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland/Somalia waxa uu TV-ga Horn Cable u sheegay in dalkiisa lagu marti qaaday shirweyne balaadhan oo Ingiriisku bisha feberwari ee fooda inagu soo haya ku qabanayo London oo lagaga hadlayo arrimo la xidhiidha Soomaalida iyo mandaqadaba, waxaanu shirkaasi ku sifeeyay mid rajo weyn leh oo lagu darsi doono xaalada mandaqada iyo Soomaalidaba.
Safiirka Maraykanku wuxuu sheegay in shirkaasi ay ka qeyb geli doonaan hoggaamiyeyaal badan oo ka socda Afrika iyo caalamkaba, dawladiisuna ay ka mid tahay dawladaha casuuman ee goob jooga ka noqonaya shirweynahaasi.
Filed Under: News




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














