M/kuxigeenka Somaliland Mudane Saylici oo Markale Soojiitay Indhaha Saxaafada iyo Rayiga Dadweynaha Kunool Somaliland

Rayi ururin ay sameeyeen shabakadaha warbaahineed ee muxaliga ah ee sida Saylicipress, Bakipress , Awdalmedia, Hargeysatimes  iyo Mysomaliland ayaa waxay  cadaysay in dadweynaha ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland  inta badan ay taageero iyo jacayl u hayaan  eng. C/raxmaan C/llahi (saylici) oo ah madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyada soomaliland  taas oo ku kasbaday  dhacdooyin kala duduwen oo soo maray  masuulkan  xafiiska madaxtooyada jooga inka yar labo sano.

Marla waydiiyay dadweynahan waxa ay ku salaynayaan jacalkoodan xad dhaafka ee ay u qaadeen  masuulkan ayaa waxay intabadan isku raaceen in siyaasigan  leeyahay waxyaaba uu kaga duwan yahay siyaasiyiintii ka horeysay ee soomarey xafiiskan madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyada Somaliland mudadii ay jirtey   gobolka  iyo  jihada aydoodaan ha ka yimaadeen. Bisayl siyaasadeed , daacadnimo , karti , hufnaan iyo wadan jacal ayay saldhig uga dhigeen waxyaabaha soo jiitay ee ay indhahooda ku arkeen masuulkan qaran.

Bisaylka siyaasadeed ee muujiyay waxa ka mida bay leeyihiin sida uu u soo afjaro arinkasta oo xaasaasi ah sida  dilalka  ka dhaca qabaaiilka dhexdooda , afxumo  ama weedh qaloocan oo ku duro dadka ay siyaasada isku hayaan laga hayo waligii,  u sinaan iyo cadaalad wax uu ugu qaybiyo bulsha uu matalo qaybaheeda kala duwan .  ku dhiiranaan horumarka dalka iyo dhiirigalinta waxwada qabsiga iyo tartanka bulshoweyntaSomalilandee xaga horumarka oo uu marwalba  kala hadlo .

Kartida iyo hufnaanta  ay ku arkeen waxay ku salaynayaa masuulkan eng, saylici e inuu yahay qof shaqadiisa daacad u ah ,  masuulka kaliya ee aan ilaa hada laga hayn daayacnaan ka muuqata hawlaha uu u hayo qaranka isla markaana shaqeeya saacado ka badan inta dadka kale shaqeeyaan.

Wadan jacalkiisa waxay inta badan dadkan  soo jiidatay qudbadii uu ka jeediyay maalinkii axada ee bisha January 22 kedii 2012 banaan bixii taageerada qaranimada iyo wadajirka Somaliland oo uu ku balan qaaday  in isaga oo ah masuulkii labaad ee dawlada uu uga tanaasili  doono xafiiskiisa hadii  bulshada qaybteeda maqan ay ku xasilayso ama ay  dalbadaan kuriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland in uu diyaar u yahay u hibaynta naftiisa iyo maalkiisaba taas oo ilaahaatan aan laga hayn masuulkale oo xukuumadan iyo tii horeba kujira oo wali sidaas u hadla.

Hadaba waxaa is waydiinle mar hadii C/raxmaan  C/llahi saylici uu kasbaday bulsho weynta Somaliland  qaybaheeda kala duwen , siyaasadiisana ay la dhacsan yihiin , Malaga yaabaa in uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland isku soo sharaxo shanta dambe ee soo socota?

 

Filed Under: News

Comments are closed.