Xukuumadda Holland oo Mamnuucday Qaadashada Xijaabka ”Burqa”

Xukuumadda Holland ayaa maanta oo jimcaha u codeysay mamnuucida qaadashada dharka wajiga qofka qariya ee sida , xijaabka looyaqaan burqa, maaska iyo wixii waji shareer ah oo dhan waxaan lagu soo rogay ganaax qofkii lagu qabto isaga oo sita meelaha bulshadu iskugu timaad.
Wasiir katirsan xukuumada ayaa sheegtay in mamnuucida indho-shareerka ay tahay wax aanlafilayn oo aad muhiima ah , wada noolashaha bulshada iyo wada jirkeeddaba. waxaanse la ogayn wali inta ay leegtay lacagta laga qaadi doono qofka lagu qabto iyada oo muslimiin badan ay wadanka ku nool yihiin iyo sida boolisku uga qadi doono marada qof haween ah oo jidka socota.
waxa kale oo jira dad badan oo ku doodaya in mamnuucidaa la raaciyo dharka madmadow ee ay qaataan qolyaha qabyaalada iyo jinsi nacaybku kufogaaday.
Filed Under: News




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto














