DAF, Hogaamiyaha Mucaaradka Ee Dalka Djibouti Oo Geelle Ka Hadlay

 

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka  ah ee MRD  ee dalka Djibouti Daahir Axmed Faarax,

ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dalkaas  Ismaaciil  Cumar Geelle in uu dadaal ugu  jiro sidii u kala qaybin lahaa deegaamada Somaliland, isaga oo abaabuliya kooxo doonayo in ay dhisaan  maamulo wadanka lagu khal-khalgelinayo.

Daahir Axmed Faarax(Daaf) oo caawa khadka Telefoonka Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belguim ugu waramayay shabakada wararka ee Ramaasnews, ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Geelle, ay wado  nidaam siyaasadeed oo ay ku wiiqayso Somaliland oo ah  dhul ay ka jiraan nabad iyo xasilooni ka qayb  qaadatay degnaanshaha gobolka Geeska Afrika, waxaana uu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland in ay ka feejignaadaan shirqoolada Geelle dalkooda u maleegayo.

Waxaana uu wareysigu u dhacay sidan:

S. Daahir waa Maxay aragtida xisbiga MRD ee ku saabsan  qorshaha xukuumada dalkaagu ay ku martigelinayso kooxaha ka soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland oo dhawaan uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle martiqaad u fidiyay sida ay  ay ku warameen qaar ka mida warbaahinta gobolku?

J. Somaliland waa ummad nabad ku nool, waana ummad isku duuban, iyaga ayay u taallaa in ay arrimahooda ka tashashadaan, maaha in la farogeliyo oo khilaafaad laga abuuro sida uu Nadaxweyne Geelle wado, waana wax u yaalla iyaga in ay ka tashadaan nabada iyo cadaaladda ay  haystaan, ninka Ismaaciil walaal waxa uu wadaa wax aanan fahmi karin oo isaga ayaa  burburinaya Somaliland, marka uu kuwa ka soo horjeeda casuumayo, waa daalin aan la ogayn shacabkayaga uu gumaystaa, Somaliland-na ku darsan maayo waa dal jira oo aqoonsi uun u baahan sidaan qabno.

S. sidee ayuu  burburin karaa Madaxweynuhu Somaliland, ma cid kale ayuu garab siinayo sida kooxaha doonayo gooni u goosadka dhulkooda oo la hubaynayaa?

J. Waan hubaa in uu waxaas wado oo waxkasta siinayo cadwoga Somaliland,  maaha nin la aamin karo, maxaa uu Awdal State iyo kuwii Taleex lagaga dhawaaqay uu wadanka ugu yeedhayaa? Dee waxa jira iska garta idinkaa la idin soo weerarayaaye waxa  uu ka  xun yahay nabadiina iyo horumarkiina, markaas waa  suurtagal in la soo hubeeyo jabhado ka dagaalamo gudaha Somaliland oo caalamka la yidhaahdo waa dad la dulmiyayo sida uu ugu qarafaysto dhibaatada Sooomaaliya oo imikana ciidan u diray

S. Somaliland iyo Djibouti waa laba  dal oo deris ah, inkastoo muran siyaasadeed hadheeyay cilaaqaadkooda 20-kii sanno ee u dambeeyay,laakiin  in  abuuro mucaarad taageero ka helaya Djibouti maxay tahay danta ku jirtaa?

j. Waa xumaan abuur uun ee wax kale maaha, necebka Somaliland ayaa quluubtiisa ka buuxda,  oo xilligana waxa  uu helay dan kale oo wax ugu soo kordhayaan burburka  Hargeysa, walaahi dadkiinu waa  yaaban yihiin oo qolodiinu waa war-warsan  tahay  waxa uu   odaygaas kaligii taliyaha ahi samaynayo”

S. Haddii aan bal ka yara leexano siyaasada   dalalkan, adigu   Daahir Axmed Faarax ahaan waxa  aad tahay hogaamiyaha xisbiga MRD oo musaafuris ahaan ugu nool wadanka Belguim  xisbigaagu  taageero muuqata kuma  laha gudaha Djibouti, markaas  maxay tahay mucaaradnimadaadu, maadaama oo aanad dalka soo geli Karin.

“Madaxweyne Geelle kun olole ayuu nagu wadaa maxay ahaydeey  oo joogto ayuu nagu wadaa, waa kaligii taliyaha , taasina waxa ay muujinaysaa inuu run ahaantii naga aarsanayo,laakiin taageerada aanu ka haysanyo shabciga reer Djibouti mid Madaxweynuhu wax yeeli karo, shacbiguna dadka way kala yaqaanaan . xisbi kasta iyo urur kasta , hogaamiye siyaasadeed kastaaba waa la yaqaano waxa uu  qabto, xisbiyagu 20 sanno ayuu jiraa, dalka  iyo dadka ayuu u shaqeeyaa, afkaasaan  ku hadlayaa.

Haddalka hogaamiyaha mucaaradka Djibouti, ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalkaas booqashooyin ku tagayaan madaxda maamulada Awdal State iyo Khaatumo oo doonayo in ay dhulka ay beelahoodu degaan  hoosgeeyaan  dawlada federal-ka Soomaaliya, waxaana y tallabaadaas curyaamin kartaa wada shaqayn Somaliland iyo Djibouti ee dhinacyada siyaasada iyo amaanka.

Filed Under: News

Tags: ,

Comments are closed.