Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Xeer Hoosaadyada Baarlamaanka Uu Ku Shaqayn Doono 3 Sanno Ee Socota

Borama(SPN) Xildhibaanada baarlamanka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeer hoosaadka uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.

Kulanka  oo ay xaadireen 188 mudane ayuu guddoomiyaha baarlamaanku Ayuu Gudoomiyaha Barlaamanku MD: Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) wuxuu sheegay in xidihbaannadii kulanka soo xaadiray ay dhamaan  ku codeeyeen HAA, isagoo xusay inaysan jirin cid kasoo horjeesatay.

Xildhibaanada ayaa mudooyinkanba qodob qodob uga doodayey xeer hoosaadka oo ka kooban illaa 11 qodob, waxaana xildhibaanadu au sheegeen in xeer hoosaadkan uu ka wanaagsan yahay kuwii ay ku dhaqmi jireen baarlamanadii hore oo sida ay xuseen qodobo is burinaya ay ku jireen.

Mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay heer hoosaadka baarlamanka Soomaaliya ee afarta sano ee soo socoto waxaana maanta ay ku guuleysteen in ay ansaxiyaan baarlamanka.

 

Xigasho: Lughayanews.

Filed Under: News

Comments are closed.