Dowladda Jibouti Oo Sheegtay Inay Dhawaan Soo Dhamaystiri Doonan Ciidamadii Ay Ku Xoojin Lahayeen Kuwii Hore Ugu Joogay Soomaaliya

Djibouti(SPN) Dowladda Jabuuti ayaa markale waxay ka hadashay ciidamadeeda jooga gudaha dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhawaan ay soo dhameystiri-doonto ciidamadeeda jooga magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee howlgalka ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya la soo dhameystiri doono todobaadka soo socda, wuxuuna intaasi ku daray in wasiirka gaashaandhigga Jabuuti uu kormeer ku sameeyay xarumaha ay deganyihiin ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada B/weyne iyo fariisimada la dejin doono kuwa cusub.

Sidoo kale danjiruhu wuxuu sheegay in Jabuuti ay sii wadi-doonto tababarada ay siineyso ciidamada dowladda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay iska caabiyaan dagaalada kaga imaanaya xoogagga Al-shabaab, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Jabuuti waxay xalka Soomaaliya u aragtaa in dib u dhis lagu sameeyo ciidamada qalabka-sida si amniga loo xaqiijiyana ay Jabuuti sii wadi doontaa tababarada ay ciidamada dowladda ku siineyso gobolka Hiiraan”.

“Maalmaha soo socda ee Arbacada ama Khamiista ayaa la soo dhameystiri doonaa tirada ciidamada Jabuuti ee qeybta ka qaadanaya howgalka AMISOM, kuwaas oo ah 800 illaa 900 oo askari, waxayna si buuxda uga howlgeli doonaan gobolka Hiiraan” ayuu yiri markale danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo intaasi ku daray in waxyaabo badan ay ka qabteen magaalada B/weyne.

Ciidamada Jabuuti ayaa waxay ka howgalaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne, iyagoo ka sameystay fariisimo waa weyn, waxayna tababaro siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan, dalka Jabuuti ayaa wuxuu ku soo biiray howgalka AMISOM bartamaha sanadkan.

 

Saylicipress.net: Djibouti.

Filed Under: News

Comments are closed.