Micnaha Nidaamka Isxanbaarka Musharixiinta oo Ururo Yaryari Musharax Kusoo Saareen?

BORAME (Lughaya.Com) Doorashada degaanka ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa noqotay mid hab dimuqraadiyad ku shubashada ay dhib yar tahay laakiin nabada ilaali ah ku dhacday. Shacabku ma qornayn taasina waa arinta dhib yaraysay in qofku dhawr jeer ku noqon karo iyadoo “Muraaqibiintu” ama ilaaliyayaasha sanaaduuqda uu xisbi walba goobaha codaynta gaystay ay isku eegayeen cida kala macaashaysa iyo waxa dan iyaga ugu jirta …inkastoo dad badan oo daacad ahina ay ku jireen oo sida saxda ah u ilaalinayey doorashada madaxa banaan ee dalka ka hirgashay. Shacabku wuu u diyaar garoobay xisbi walba iyo musharax walbana waa sida uu u nidaamsan yahay ama uu taageero iyo maalgashi u haysto. Doorashada waxa lagu kala codaynayaayey hab qabiil oo micne xisbi huwan uu siyaasi horkacaayo. Xisbul xaakimka ayaa isagu abaabul badan haystay dad badan oo dawlad ku nool ah oo qalabaysan ayaa gudaha iyo nawaaxiga magaalooyinka waawayn uga dagaalamyey. Halka Xisbiga Wadani oo dardar cusub lasoo galay uu muujiyey quwad uu ku muujiyey cududa taageerada “xisbiga” ama Ururka Wadani ee Cabdiraxman Ciro ka yahay Gudoomiyaha oo Maxamud Seed iyo Dr. Axmed Buuxane ay horkacayeen galbeedka Somaliland.

Hadaba maxaa keenay in musharax ku dhaco 2000 oo cod halka uu musharax kusoo baxo 500 oo cod? Waa dulucda qormadan oo aan ku lafo gurayno dimuqraadiyad xisaab ku shaqaynaysa.

Tusaale ahaan: (N=15700, Y=21 kursi, Zigma= Wadarta guud ee loo qoondeeyey Degmada, X = waa “Variable” ama inta kursi ee xisbugu ku helayo codka shacabka);

Magaalada Borame waxa loo qoondeeyey 70, 000 00 cod inay ka codayn karaan kuna soo bixi karaan 21 xildhibaan. Xisbiyadu waxay shacabka ka heleen cod; codka ay shacabka ka heleen ee musharax walbaa helay ayaa la isku gaynayaa. Waxa lagu dhufanayaa 21 ka xildhibaan ee degmada Borame kasoo bixi kara kadib waxa loo qaybinayaa codka guud ee loo qoondeeyey in ay degmadu codayn karto marka loo eego intii qof ee codaysay doorashooyinkii lasoo dhaafay. Tirada soo baxda ayaa loo badalayaa xildhibaano waana ta keentay in urur helay 500 oo cod uusoo saaro hal xildhabaan marka la’isku dhufto inta cod ee uu helay loona qaybiyo wadarta guud ee Degmada loo qoondeeyey.

Tusaale ahaan Ururka wadani wuxuu ka helay Borame 15700 oo cod waxa lagu dhuftay 21 ka xildhibaan ee magaaladu heli karto kaidb waxa loo qaybiyey tirada guud ee loo qoondeeyey degmada waxa soo baxay 4.71 halkaasna wuxuu ururku ku helay 4 xildhibaan markaas ayey xisbiga gudihiisu sii kala hadhayaan maadaama oo ay haystaan 4 kursi oo kaliya marka loo eego codadka guud ee ay heleen.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye wuxuu ka helay Degmada Borame 22900 halkaasna waxa uga soo baxay= 22900*21=480900 waxa loo qaybiyey = 480900/70000= 6.87 halkaasna wuxuu Xisbigu ku helay  kursi oo Degmada ah.

Xisbiga Xaqsoor tusaale ahaan (Estimate) oo ka mid ah ururada ku hadhay degmooyinka gobolka Awdal iyo Selel ee keeni kari waayey 20 % kuraasta magaalada oo Awdal iyo Selel noqonaysa ku dhawaad 13 kursi. Codadka 21 musharax ee xisbiga oo la’isku geeyey waxa laga yaabaa inay ka badnayn 3200 oo qaarkood heleen 500 laakiin wadarta guud ayaa lagu xisaabinayaa inta ay ka helayaan 21 kursi. i.e. 3200*21=67200; 67200/70000=.96 halkaasna waxay ku heleen 1 kursi.

Ururkan yar waxa soo saaraya ururka wayn oo gaadhi kari waayey 70,000 ee cod ee lagu qaadanayo 21 kursi sidaasi darteed codadka uu helo ayuu ka jabsanayaa 21 ka kursi ee musharixiintu tartamayeen. Xisbina ma qadayo maadaama oo xisbi Zero cod helayaa uusan jirin waxaana soo xanbaaraya wadarta codadka guud ee xisbigu ka helay degmada oo halka qof ee ugu codka badan isla ururka dhacay hal qof usoo saaraya.

Arintan isxanbaarka ayaa ah hab ku cusub nidaamka dimuqraadiyada ee “Electrol College” sobobta uu nidaamkani dalka uga hirgalay nooma suurta galin in gudida doorashooyinku noo cadeeyaan laakiin in nidaamkani yahay hab cadli ah oo musharax ama urur walbaa jab yar ku helayaa waa arin dadka badan kiisu ayna fahan sanayn sida isxanbaarkani u shaqaynayo iyo sobobta ay komishanka doorashooyinku u hindiseen arintan.

 

 

Lasoco Lughaya News oo soo gudbin doonta wadarta magaalo walba oo dalka ah sidii aan u helno DATA degmada.

Lughaya.com/SayliciPress.net

All rights reserved

Filed Under: News

Tags:

Comments are closed.