Faallo:Waa Maxay Ujeedada Beesha Mamaasan Ciise Kaligeed Uga Biyodiiday Doorashooyinka Golaha Degaanka ee Somaliland?

Waxa layaab ah, in beesha Mamaasan , Ciise ee uu soo dirsaday kaligii taliye ismaaciil cumer geelle ay bulshada somaliland degta ka dhex abuurayso colaad sokeeye

taas oo magaca beel weynta ciise kuhadlaysa iyadoo aan ognahay inay kadambeeyaan arimo siyaasadeed oo kusal leh cabsi uu ismaaciil cumer ka qaba in beelaha Sacad muuse ciise , Yoonis muuse ciise iyo Fuurlabe ay awood ku yeeshaan Somaliland iyo xuduuda Itoobiya ay Jabuuti la leedahay.

Kaligii taliye ismaaciil cumer ayaa beelaha kale ee ciise iyo cusboyahaynkaba uga dhaartay inay helaan doorashooyin xor ah oo xalaala muddo 20 sano ah isaga oo kursi ka dhaxlay adeerkii Xasan guuleed.

Doorashooyinkii golaha degaanka ee guud ahaan laga qabta Somaliland 28kii november oo u dhacday si xor ah oo xalaal ah ayaa beelaha kale ee Odaxgob, Fuurlabe iyo Hooroone ay ka heleen 7 xildhibaan oo ka soo baxay degaanka degmada Saylac xaga beesha Mamaasan oo dhaamaanteeba ku nool xerooyinka qoxootiga Cali cade iyo HolHol ee Jamhuuriyada Jabuuti ay heleen 3 kursi oo degmada lughaya ah. taas waxay cabsi ku abuurtay madaxweyne Ismaaciil Cumer awooda beelaha Hole iyo Odaxgob ee ku sii fidaysa dhinaca Itoobiya ee ay xadka laleedahay Jabuuti. Beelahaas oo uu geelaha jabuuti uga dhaartay talada dalka Jabuuti iyo xisbiyo siyaasadeed labadaba.

Dhanka kalena, siyaasiyiinta beelaha Hole iyo Odaxgob ee Daahir Axmed Faarax , Ina Boore iyo Ismaaciil Geedi Xareed ayaa ah kuwo ay aad iskugu hayaan Ismaaciil Cumer hogaaminta jamhuuriyada jabuuti isagoo ka cabsi qaba inay fursad siindoonto maruun siyaasiyiintaas aasaaska jabhado kulid ah xukuumada jabuuti .

Sida taariikhdu dhigayso ,beeshan uu ka soo jeedoo Ismaaciil Cumer ee Mamaasan maha markii ugu horeysay ee ay dab galiso beelaha kale ee Ciise iyadoo laga hagayo xaga Jabuuti .Sanadihii 1988 ilaa 1991 beeshani waxay kashaqaysay shirqoolkii beesha ciise qoorta loogu galiyay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay xeebaha gobolada Awdal iyo Salal iyadoo beelaha kale ee ciise aanay waxba ka ogayn waxaa loogu yeedhayay halgan hubaysan oo lagaga soo horjeedo taliskii maxamed siyaad.

Siyaasada kaliye ee markaa laga lahaana dagaalkaa sokeeye oo ahayd in Xasan guuleed UU helo qoxooti farabadan oo u codeeyeya xisbigii RPP oo uga yimaada xaga somaliland si dhaxalka kursiga madaxtooyada Ugu sii waaro.

Maantana waxay ka shaqaynaysa marlabaad in dagaal sokeeyaka dhaco degmada saylac iyo lughaya taas oo lagu khalkhal galiyo jamhuuriyada Somaliland oo aad moodo inay ka siyaasad iyo nidaam wanagsan tahay Jamhuuriyada Jabuuti oo ilaa hada laga furfuri kari laayahay talada dalka xisbi kaliya iyo qabiil kaliya.

Hadaba waxaa isweydiin leh goorma ayay beesha Mamsaan noqotay Afhayeenka beelaha ciise weyne iyada oo cadaadis iyo dhibaato ku haysay ciisihii deganaa Jabuuti oo an wax naxariisa u hayn ? mida kale , maxa kudhacay beelihii kale Odaxgob , Fuurlabe iyo Sacadmuuse Ciise ee ay uga jawaabi waayeen arinta laba wajiilaynta ah ee beesha Mamaasan kuwado?

Beesha Jabuuti ayaa dad aan waligood arag Somaliland usoo daabulay Saylac si ay Ismaciil ugu hanjabaan lakiin waa markii ugu danbaysay ee dad aan u dhalan Saylac ka codayn doonaan dalka Somaliland oo xuduudiisa xidhan doona sida ayna u dhacayn in dad Somaliland u dhashay oo aan Jabuuti ku dhalan ayna uga codayn karin Jabuuti.

Bahda SayliciPress

Filed Under: Faalo

Tags: ,

Comments are closed.