Kulan Villa Soomaaliya Ka Dhacay Oo Ay Ka Qayb-galayaan Sarakiisha Ciidamada Laguna Gofeenayo Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Amniga Magalada Muqdisho

Boorama(SPN) Waxaa habeenadan danbe magalada muqdisho ku soo badanaya madaafiicda hababga ah ee wakhtiga ahbeenkii ah lagu garacaayo qaar ka tirsan xaafadaha magalada muqdisho. dhacdaadaa ka dib waxaa maanta villa soomaaliya kulan iclaamiyey raysulwasaraha dalka Md: Saacid oo isugu yeedhay laamaha Amniga si ay ugu wada xaajoodaan sidii wax looga qaban  lahaa madafiicada habeenkii lagu soo tuuro magalada muqdisho

Kulanka oo ahaa mid uu iclaamiyey Ray’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya gaar ahaana xafiiska ray’iisul wasaaraha ee Dowlada Soomaaliya,iyadoona kulanka uu joob joog ka ahaa Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan jawaari iyo Saraakiil ciidan.
Kulanka ayaa waxaa lagu lafa gurey cida ka danbeysay duqeyn xaley lagu soo garaacey qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii ka danbeysay duqeyntii xaley ka dhacdey Magaalada caasimada ee muqdisho.
Ugu horeyntii ayaa waxaa kulanka ka hadley Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha Dalka Maxamed Cusmaan Jawaari oo sheegay in aan loo dul qaadan doonin madaaficdii xaley oo kale oo Magaalada lagu soo garaacey qeybo ka mid ah kuwaasi oo wax yeelo geystay.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadley Ray’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon,waxaana uu sheegay in aan loo dul qaadan doonin amaan xumida Magaalada Muqdisho,isagoona ku amrey ciidamada Dowlada Soomaaliya iney baaritaan deg deg ah ay ku sameeyaan wixii xaley dhacay.
Kulankan ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaana xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili amaanka magaalada uu yahay mid faraha kasii baxayo wakhtiga habeenkii ah oo madaafiic lagu soo tuuro magalada muqdisho iyadoon la garaneen cida ka danbaysa falkaa.
Xigasho:Lughayanews.

Filed Under: News

Comments are closed.