Waa Maxay Sobobta Felis u Dooratay Inay Fanaanad Laacdo Si ay Uso Shaac Baxdo?

LUGHAYA.COM – Barnaamijka fanka iyo suuganta Soomaalida waxaan ku falanqaynaynaa maanta waa maxay sobobta fanaanada codka macaan ee Falis Waayaha Cusub ay u doortay inay xiisad ka dhex abuurto fanaaniinta dhexdooda oo fanaaniin yaryar oo ay ka mid tahay Hamda Queen ay dagaalka dhinaceeda kasoo gasho markay aragtay gardarada cad iyo talaabada fanka ka baxsan ee Felis ku kacday.

Dadka fanka iyo suugaanta indho indheeyaa waxay ku tilmaameen Felis inay ka ahayd aad kusoo shaac baxdid sudhashada ay laacday Ikran Carale oo dhabtii ah fanaanad shacbiyad, cod macaani, iyo heeso macaani isku darsatay.

Arintaasi Felis way u shaqaysay oo dad badan oo shabakada Lughaya.Com ay way waydiisay inay aqoon u leeyihiin fanaanada Felis Waayaha cusub – badan koodu wax aqoon ah ama meel ay ku heesto may garanayn ilaa ay abuurtay xiisadii Ikran Carale ka hor.

Fanaaniin badan ayaa Felis ku eedeeya inay ku guuldaraysatay caan inay ku noqoto xiisad ka baxsan fanka. Fanka iyo suugaantu ma’aha hub la’isku weeraro laakiin waa maaweelo dhaqan oo bulshada u turjuma farxadaha iyo dabaaldegyada. Arimaha qoyska lama soo dhex gasho fanka waayo fanku ma’aha madhab diineed waa dhaqan la’isku afgarto oo bulsho degaan iyo af wadaagtaa ay ku faanaan weheshigeeda.

Da’yarta fanka ku cusub sida Hamda oo kale sidaasi darteed waxay u baahan yihiin fanaaniin ka horaysay oo ku dayasho mudan halka ay Felis ka fikirtay inay shacabka isku barto laacista fanaanad la mida oo ka yara hor talaabsatay. Fanaanada Felis Garadla oo isticmaashay dhagax ceebeed yar ama alufitay xamaasad yar ooy moodaysay inay badhi-cintaali oo ay safka tartanka fanka halka hore ka galin iyadoo ka leexatay dariiqii haboonaa fanku lahaa ee ku dhisnay karti iyo xirfad faneedkii caanka aan ku ahayn.

La soco jimacaha danbe hadii eebe idmo fanaanka ugu codka macaan iyo fanaanada ugu shacbiyada badan

Xiagasho: Lughaya News

Filed Under: Suugaan

Tags:

Comments are closed.