Munaasabad Baladhan Oo Ka Dhacday Magalada Sana’a Ayaa Xukumakada Somaliland Eedaymo Loogu Soo Jeediyey Islama Markaana Hambalyo Loogu Diray Maayirka Iyo Maayir Xigeenka Cusub Ee Degmada Saylac +Sawiiro

Sana’a( SPN) Beelweynta samaroon ee ku dhaqan magalada sana’a ee dalka yemen ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay canbarayn u soo jeediyeen xukumada somaliland sida badheedhka ah ee ay fara galinta qaawan ugu hayso doorashooyinkii cadaaligaa ahaa ee ka dhacay degmada saylac.

kulan ayaa waxaa ka soo qayb galay Oday dhaqameedyo, Aqoonyahan, Ganacasato, Haween,iyo Ardyada jaamacadaha kaga jirta dalkan yemen ee ka soo kala jeeda Gobolada Awdal, Salel Iyo Gabiley,dhamaantood si isku mid ah u Iftiimiyey dhibaatada ay xukumada somliland kula kacday dhalinta ku sugan magalada Boorama ee shucuurtooda si nabdoon u cadeeyey.

Kulankan ayaa waxaa lagu furay quran intaa ka dibna waxaa faataxada loo maray Mujaahidkii ku geeriyooday  Mujaahid Jimcaale iyo dhamaan inta ku dhawaacantayna waxay ILAHAY ugu baryeen in uu caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Kulankan ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Odayga ugu da’da weyn beesha samaroon Faarax Rooble Akaal (faarax celi) ayaa sheegay taariikhda magalada saylac iyo inay tahay dhaxalka beesha samaroon oo  ayna cidna uga daba fadhiisaneen hadaladiisi waxaa ka mida ahaa ” dhaqanka soomaliyeed waxaa ka mid ahaa in beeluhu haday wax kala tabanayaan inay iyagu is hor fadhistaan ee ma ahayn inay beesha ciise ay soo marto beesha isaq lagana gudbo Binu Axmedka”

Aqoon yahan C/raxamaan Maxamed Nageeye ( wariye) iyo Aqoon yahan Muxumad Cabdilahi Ibraahim(Maxamuud shiine) ayaa si qoto dheer ugu waramay taariikhda saylac hadaladoodina waxa aka mid aha”dowlada waxaan leenahay cashuurta  aad dadka aad ka qaadan ee ILAHAY idiin sikhray inaad jeebka ku ridataan ayey ahayd inaad rasaas ku soo iibsataan oo dadka ku laysaan waa nasiib daro weyn”

Hooyo Shukri iyo Caasha ayaa sheegay inay isugu yimaadeen kaliya inay cadeeyaan sida ay ugu xun yihiin dhalinta lagu layey gudaha magalada Boorama isla markaan hambalyo aan ugu soo jeedinayno maayirka cub iyo k/xigeenkiisa degmada saylac ee ayna ahayn  in cid gaar ah lagu  aflagadeenaayo  dadkuna ay yihiin walaalo isla markaana loo baahan yahay in sida sharciga dadka loo kala socod siiyo oon beel beel dadka la isaga horkeenin.

Khadar Ibraahim Cumar oo ku hadlayey afka dhalinyarada beesha ayaa isugan dhankiisa xusay inay ka damqanayaan badheedhka qaawan ee ay dowladu kula kacday dadka shacabka ahaa ee an hubaysneen.

Ugu danbaytii waxay hambalyo baladhaan u direen maayirka degmada saylac  Xusseen Iidle  iyo ku xigeenkiisa Sacad Cige  Iyagoo ugu  duceeyey in uu ILAHAY  xilka loo idmaday u fududeeyo  waxay u soo jeediyeen  inay wax ka qabtaan daayac naanta ka muuqata magalada saylac ayna sheeegeen  inay yihiin kuwii wax ka qaban ee ayna ahayn kuwii wax ka qabsan lahaa   soono celin lahaa kaabayaasha bulshada ee degmada saylac sida  iskuulada, isbitaalka wadooyinka iyo meelihii kale ee u baahan daayac tir.

SANA1

SANA3

 

SANA2

 

SANA4

 

SANA6

 

SANA5

 

SANA7

 

SANA8

 

SANA9

 

SANA10

 

 

 

Sharmaarke Cabdi Muuse

Saylicipress.net: Sana’a

Filed Under: News

Comments are closed.