Maayarka Saylac Oo Xiisada Ka Dhalatay Doorashadii Degaanka G/Salal Ku Eedeeyey Xukuumada Iyo Siyaasiyiin Uu Sheegay Inay Ku Fashilmeen Xilal Hore Loogu Igmaday

hambalyomayerkasaylaciyokuxigeenkaHergeisa(SPN) Maayarka cusub ee degmadda Saylac ee xarunta gobolka Salal Xuseen Iidle Barkhadle ayaa khilaafyada ka dhex taagan gobolkaas ee ka dhashay doorashada degaanka ku eedeeyey xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo siyaasiyiin uu sheegay inay ku fashilmeen xilal hore loogu igmaday, isla markaana ka dhawaajiyey in masuuliyada wixii khasaare ah ee ka dhasha ay iyadu dusha ku qaadan doonto, waxaanu intaasi ku daray in xukuumadu ay jabisay Xeerarkii dalka u yaalay. Duqa Saylac Xuseen Iidle ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay galab Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ugu waramay isaga oo ku sugan Magaalada Saylac, kaas oo ku dooday in laga gudbay nidaamkii saami-qaybsiga beelaha dalka, waxaanu tilmaamay in nidaamka Dimuqraadiyada ee ay Somaliland qaadatay iyo saami-qaysiga beeluhu inaanu is waafaqaynin, waxaanu wax iska caadi ah ku tilmaamay in laba xildhibaan oo isku beel ahi ay noqdaan Maayar iyo Maayar ku xigeen. Maayarka degmadda Saylac Xuseen Iidle Barkhadle ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay qorshihiisa mudada uu xilka hayo, kaas oo sheegay inuu u hawlgali doono siddii uu wax wayn uga badali lahaa xaalada Saylac oo uu tilmaamay inay u baahan tahay in si wada-jir ah loogu hawlgalo qorshaha lagu horumarinayo oo uu ku hagi doono mudada xilkiisa, kaas oo sidoo kale Xildhibaanada qaadacay doorashada Maayar-nimadiisa ee aan ka soo qaybgalin fadhigii lagu doortay ugu baaqay inay gartaan ujeedadii loo doortey.

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya dareenkiisa ku wajahan xilka loo magacaabay, waxa uu yidhi “Soomaalidu marka xil loo doorto Fantasyo ayey qabataa oo waan ku faraxsanahay ayey tidhaahdaa, laakiin waxa fiican inuu yidhaahdo iigu duceeya inuu Ilaahay igu asturo xilkaas markaas anigu waxaan dadkeyga leeyahay ii duceeya inuu Alle igu asturo. Mida kale degmo walba waxa ay leedahay dhaqaale ku filan dadkeeda hadii si fiican loogu maamulo, hooyo walibana waxa ay leedahay Caano ku filan ilmaheeda ay dhashay oo Alle ku galaday, isla markaana dhaqaalaha degmadani leedahay si wanaagsan ayaanu ugu maamulaynaa oo waxaan la tashan doonaa dad khubaro ah oo aanu kala tashan doono kolba mashruucii jira sida loo maamuli karo ee ugu wanaagsan”. Duqa Degmadda Saylac Xuseen Iidle Barkhadle isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxaan ogahay in baahida degmadda Saylac ay aad u badan tahay, laakiin waxaan isleeyahay ugu horaysii Bilicda Magaalada oo ah ta ugu mihiimsan, taas oo aanu doonayno inaanu xooga saarno Wadooyinka, Waxbarashada iyo Biyaha, waxa kalena waxa laga yaabaa in cid aqoon u leh aanu u adeegsano oo qaab mashruuc laga dhigo

markaas ka dibna qorshe dheer loo sameeyo, taas oo sababaysa in waxqabad muuqda aanu samayno. Waxaananu samayn doonaa Insha Allaah qorshe ay ku qancaan deeq-bixiyayaasha iyo dadka horumarka dalka jecel”.

S: Maxaa keenay xiisada adag ee ka dhalatay doorashada Maayarka iyo ku xigeenka ee degmadda Saylac ee adiga aakhirkii laguu doortay Xilka Maayarnimo?

J: Way jiraan dad diidan oo qal-qalalo ka wada arintaas, dadka diidanina waa kuwii ku fashilmay xililkii loo dhiibay, ragaasina waa kuwo siyaasadoodii iibin-garan waayey. Waan wax laga xumaado inaynu aragno nin siyaasi ah oo xumaan iyo balaayo uun ka sheekaynaya, dadkayga degmadda-na waxa aan leeyahay ma ihi cadaw idin qabsaday ee

nin la doortey ayaan ahay, ninka la doorteyna dadka shaqaale ayuun buu u yahay oo waxaan ka turjumi doonaa  inaan fuliyo dalabkooda iyo baahidooda, waxaanan la gali doonaa wada-tashi joogto ah si aan uga jawaabo baahidooda, waxaanan ahay nin nasteexooga ka shaqayn doona oo ay la xisaabtami karaan markasta oo ay u baahdaan. Markaa waxaan odhan lahaa in la yidhaahdo maxaad noo qabanaysaa ama aad noo qabatey halka laga leeyahay muxuu nin reer hebel ahi sidaas u noqon waayey, markaa

bulshadda degmadda iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland-ba waxa aan leeyahay reer hebel ha isku qiimaynina qof reer hebel ku yimid waxba idiin qaban maayee, waxaad doorataan oo aad dadka aad dooranaysaan ku qiimaysaan  qofkii dhibtiina ka damqanaysa ee horumarkiina jecel.

S: Muranka ka taagan doorashada Maayarka iyo ku xigeenka Saylac waxa Ku Yimid Dib u dhac badan, yaad arintaa ku eedaynaysaa Masuuliyadeeda?

J: Waa run oo xukuumadu khaladaad badan ayey ku lahayd dib u dhaca ku yimid degmadayada oo intii degmooyinka kale isdhaarsadeen ayey xilalkii la kala-wareegeen laakiin Saylac waxa ay ahayd degmadda kaliya ee soo hadhay dalka oo dhan, markaa khaladaadkaas dawladad ayaan dusha u saarayaa oo waxay xukuumadu jabisay Xeerar oo ay dhinac iska dhigtey, Xeer hadii uu jabana xumaan iyo khaladaad badan ayaa yimaada markaa anigu wixii dhacay taataaban maayo laakiin dawladda ayaa masuuliyadeeda qaadan doonta oo in lala xisaabtamo oo lagu yidhaahdo xeerarkaas ayaad jabiseen way fiican tahay. Mida kale walaalahayaga kale reer Somaliland waxa aan leeyahay Xildhibaano ayaa nala soo baxay oo doorashadii deegaanka oo Todoba xubnood ayey ahaayeen laakiin waxa wax laga xumaado ah in lanaga joojiyo 7-dii Xildhibaan ee soo baxay oo Dayr ayaa nalagu kala xidhay, markaa dadwaynaha waxaan ka odhan lahaa arintaas waar waxa loo tartamayey qolo-qolo may ahayne Xisbiyo ayey ahayd, markaa ragaas siyaasada ku fashilmay ee dadka qabyaalada kula jira waxaan leeyahay ka daaya

dadkiina hagar-daamada iyo qabyaalada degmada Saylac dib u dhaca ku riday ee aan degmooyinka dalka la tartami karin maanta halka ay ka joogto dhaqaale xumo iyo faqri-ba.

S: Maadaama oo beelaha wada dega ee Somaliland ay xilalka gobolada iyo

degmooyinka ay u qaybsadaan qaab beeleed, isla markaana imika

Maayar-kii iyo ku xigeenkii Saylac loo doortay adiga iyo masuul aad

isku beel tihiin, miyaanay ka qurux bad-naateen in maayar ku xigeenka

beesha Ciise la siiyo?

J: Allaahu Abbar; Nidaamka qabyaalada iyo qolo-qaybsiga waynu ka soo gudub-nay oo waxaynu soo gaadhnay qaabka Dimuqraadiyada ee doorashada, kaas oo dhigaya in qofkasta oo muwaadin ah oo reer Somaliland ahiba uu wax doortaa lana doortaa oo cod lagu kala baxo oo Xeerar badan ayaa laga sameeyey, isla markaana waynu u codaynay nidaamkaasi, mida kale arintani maaha mid inagu cusub oo hore ayeynu u galnay doorasho deegaan oo sanadkii 2003-dii, mida kale marka aad leedahay maxaad u qaybsan waydeen Maayar-ka iyo ku xigeenka waxa nalaga dayn lahaa marka-horeba doorashada oo kharash badan iyo xoolo badani inagaga burbureen, markaa waxa aan leeyahay waynu ka soo gudub-nay wakhtigii nidaam beeleed wax loo qaybsan lahaa, isla markaana cidii ka hadashaa waa cid xeer jabisay oo dimuqraadiyadii ku hortimid, ummadana dib ugu celinaysa qabyaaladii. Mida kale hadii laba nin is-khilaafto ay sharci

isku qabsadaan oo in qofka sharciga ku taagan la taageeraa, laakiin ma fiicna in khalad la iskugu hiiliyo.

S: Maxaad odhan lahayd Xildhibaanada kale ee aan idinkala soo qaybqalin fadhigii lagugu doortey ee golaha deegaanka iyo bulshadda deegaankaasba?

J: Waxaan leeyahay qolada Xildhibaanada ah ee saaxiibay ee fadhigaas ka maqnayd soo dhawaada oo nagala soo qaybgala fadhiyada sharcigu jideeyey oo garta wixii la idiin doortey oo waajib inagu ah inaynu dhamaanteenba fulino, bulshadana waxa aan leeyahay anagana xilbaa na saaran idinkana xilbaa idin saaran, anaga waxa waxa waajib nagu ah oo xil naga saaran yahay inaanu hantidiina idiin ilaalino oo aanu idiin shaqayno oo aanu ka shaqayno horumarinta degmadda, bulshaddana waxa waajib ku ah inay Cashuur bixiyayaal fiican noqdaan oo ay barnaamijyada lagu horumarinayo degmada ay qaybtooda ka qaataan oo ay ku daydaan shacbiga degmooyinka kale  ee dalka ee ka qaybqaata horumar deegaamadooda.

 

SAYLICIPRESS.NET.

Xigasho. Haatuf.

Filed Under: News

Tags:

Comments are closed.