Xaalada Deegaanada Xeebaha Oo Degan Kadib Markii Beesha Ciise Ay Djibouti U Teegeen Wada Tashi

Saylac(SPN) Wararka aan ka helayno xeebaha ama deegaanada hoos yimaada  Saylac Iyo Lughaya  ayaa degan ka dib markii beesha Ismail Cumar Geelle  uu dib ugu yeedhay beeshiisa si ay ugu Arinsadaan isku daygii fashilmay ee uu Ismail Cumar Geelle ku rabay in uu dhulka xeebaha uu ku boobo.

Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya dib u yeedhista uu Ismail Beeshiisa  ugu yeedhay ayaa ah sidii ay ugu diyaar galowi lahayn Daahir Axmed Faarax (DAF) oo ah mucaraad si weyn u dhaliila siyaasada kaligii Taliye Ismaail Cumar Geelle uu bulshada djibouti ku hayo.

Dhanka wararka aan ka helay Gudaha dalka Djibouti ayaa sheegaya in Dagaal sokeeye ka qarxay magalaada  UBUKH oo ah meel maamulkeeda iska leeyihiin Beesha Canfar-weyne isku dhacan ayaa yimid ayaa la yidhi ka dib markii beesha ina Geelle oo xoog iyo maaamul is biday ay ku gardarootay deeganada UBUKH taasna ay sababtay in dhibraaxo ka soo gaarto Beesha Ismail Cumar Geelle.

Warar hoose ayaa tibaaxaya in canfartu ay baryahan danbe gudaha dalka djibouti ay kala kulmayeen caddaadis ugu yimaada xukumada iyadoo shaqaalaha canfarta laga Eryi jiray shaqadoodo isla markaan lagu badali jiray Beesha Ciise ama Beesha Isaaq qof ka soo jeeda taas ay sababtay in markii danbe maanta isku dhac ka yimaado deegaana hoos yimaad magalada UBUKH.

Isku soo wada duubo wali lama ogo khaasara halkaas ka dhashay ama dagaalkan Sokeeya waxa dhaliyey iyadoo aan loo ogalayn wax warbaahin ah inay jeedahaas tagaan si ay u soo ogaadaan xaqiiqda dhabta ah meesha taala.

 

Waxii ka soo kordha kala soco Saylicipress.net

 

 

Djibouti: Saylicipress.net.

 

 

Filed Under: News

Comments are closed.