Jabhadii Jabuuti Furuud ee Muwaadiniinta Canfarta oo Dib Dagaalkii u Bilowday iyo Reer Selel iyo Awdal oo Garab Taagan

LughayaPortCCNationDJIBOUTI – Muwadiniinta Canfarta ayaa soo bilowday halgankii ay kula jirtay kaligii taliyaha Ismacil Cumar Geele. Iyagoo ay wararku sheegayaan in dagaal xabad la’is waydaarsaday uu dhexmaray jabhada Furuud ee xoraynta Jabuuti iyo ciidanka Ismacil oo halkaa shacab badani ay waxyeelo ku gaadhay. Ciidanka Jabuutina laga qabsaday hub faro badan.

Wakhtigan ay ku jirto jabuuti ayaa ah wakhti adag. Maamulka Ismacil ayaa liig-liiganaya iyagoo hogaamiyihii mucaardka ee jabuuti mudane Dahir Ahmed Farah (DAF) uu dalka kusoo noqonayo socdaalkaasina uu cabsi farabadan ku abuurtay maamulka Ismacil iyadoo dhinaca kale gaashaanbuur badani ay diyaar u yihiin in jabhada Furuud iyo mucaaridka DAF oo ay u eektahay in maamulkii Ismacil uusoo dhamaanayo.

Gaashaanbuurta Awdal iyo Selel, Oromada iyo umada canfarta ayaa wararku sheegeen inay heshiis ku gaadheen kililka Shanaad iyagoo dhinaca kale beelaha Absame wareega labaad ay la kulmayaan iyagoo usoo bandhigaya ujeedada gaashaan buurtooda.

Sidoo kale waxa la sugayaa shir ay beelaha Abasame iyo gadabursi ku kulmayaan oo khadka telephone ka ah.

Lughaya News Jabuuti

Filed Under: News

Tags:

Comments are closed.