Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ku Bixiyey In Nooc Kasta Oo Dakhliga Dalka Soo Gala Ah Qasnada Dawladda Lagu Xereeyo

Hergeisa(SPN) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa 22/12/2012-ka saxeexay Siyaasadda lagu fulin doono Miisaaniyadda sanadkan bilowga ah ee 2013-ka waxaanu culays saaray sidii Dakhliga Dalka soo gala haddii ay noqon lahayd mid toos ah iyo mid dadban oo Dalka lagu caawiyaba ay ugu muuqan lahayd Miisaaniyadda sanadkan 2013-ka isla markaana waxa uu Amar ku bxiyay si loo ogaado halka ay ku baxaan inay Wasaaradda Qorshaynta iyo Maaliyaddu iska kaashadaan dabagalkooda

“Waa in deeqaha tooska ah ee Caalamiga ah ee Dawladda la siiyo ay ka muuqdaan Miisaaniyadda Dawladda Dhexe. Sidoo kale, deeqaha Caalamiga ah ee dadban waa in lifaaq ahaa loo raaciyaa Miisaaniyadda Qaranka, si loo ogaado dhamaan Dakhliga dalka soo gala nooc kasta oo uu yahay” sidaas waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qorsha Miisaaniyadda ee Deeqaha Dalka soo gala. Waxaani untaas raaciyay “Waa in Wasaaradda Qorshayntu soo gudbiso lacagta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Trusta Fund), si loo raaciyo Miisaaniyadda 2013”” ayuu ku yidhi qorshahan oo ay u soo gudbiyeen Guddida Gunti jiiska Dhaqaalaha Dalka oo ka kooban Golihiisa Wasiiradda qaarkood, kuwaas oo uu sameeyay fadhiyadii ay Xukuumaddiisu dib ugu eegaysay qorshayaasheeda Siyaasadeed ee ay Dalka ku hogaamin doonto mudada u hadhay isla markaana ay dib ugu eegaysay wixii ay soo qabatay mudadii ay Xilka haysay.

Qorshahan oo aan hore u jiri jirin si loo dhaqan geliyo waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u xil saaray fulintiisa wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta waxaanu yidhi “Waa in Wasaaradda Qorshaynta iyo Wasaradda Maaliyaddu si wadajir ah u dabagalaan Mashaariicda Horumarinta Dawladda Dhexe, kuwa Caalamiga ah iyo hay’adaha Madaxa banaan ee dawladda.”

whn.

Filed Under: News

Comments are closed.